GUUL WADE

GUUL WADE English

26/12/2022
24/11/2022
Goday: 668 arday oo bartay culuumta kala duwan ee caafimaadka ayaa u fadhiistay imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadlayaa...
21/11/2022

Goday: 668 arday oo bartay culuumta kala duwan ee caafimaadka ayaa u fadhiistay imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadlayaasha 'COC'.

Ardayda oo iskugu jira heerka 3aad iyo heerka afraad, isla markaana bartay culuumta daawada, umulisinimada, kalkaalinimada iyo shaybaadhkaa ayaa u fadhiistay imtixaankan oo lagu hubinayo tayadooda waxbrasho kaas oo ay soo diyaarisay wakaallada xaqiijinta tayada xirfadlayaasha.

Maareeyaha kulliyada caafimaadka Goday mudane. Naxamed Badel Cali ayaa tilmaamay in muhiimada looga gol'leeyahay imtixaanka uu yahay sidii loo heli lahaa arday la xaqiijiyay tayadooda waxbrasho sifo loogu aamino adeega ay u fidinayaan bulshadooda.

Godey; 22 xubnood ayaa  u fariistay Imtixaanka xisaabaadka Barnaamijka shabakada bad-baadada wax-soo-saarka ee PSNP.Barn...
19/09/2022

Godey; 22 xubnood ayaa u fariistay Imtixaanka xisaabaadka Barnaamijka shabakada bad-baadada wax-soo-saarka ee PSNP.

Barnaamijka shabakada badbaadada wax-soo-saarka ee PSNP ayaa imtixaan ka qaaday maanta 22 xubnood oo ah Xisaab-biyayaal ah oo laga soo kala xulay degmooyinka gobolada Shabeelle iyo Af-dheer. Imtixaankani oo socon doona muddo hal bari ah ayaa degmadiiba waxaa laga rabaa hal xisaabiye oo tayadiisu sarayso kaasi oo laga shaqaalaysiiyo barnaamijkan.

Gudoomiyaha gobolka shabeelle Mudane; Aadan Axmed Sooyan oo imtixaanaadkani furey ayaa sheegay in imtixaankani uu yahay mid loo qaadayo nidaam ay ku dheehan tahay cad cadaan iyo cadaalad oo ay dhamaan muwaadiniintu u siman yihiin.

Mnshaa Allah wll
24/08/2022

Mnshaa Allah wll

18/07/2022

1899-kii ayuu Sayid Maxamed Cabdule Xassan ka guurey Nugaal oo uu uguurey Haradigeed oo dhulka (Ogaadeeniya) Soomaali Galbeed ah.

Sayidku maadamuu Ingiriiska ka fogaaday Ingiriiska ayaa la hadlay Xabashida oo u sheegay in Sayidka iyo Kooxdiisii ay dageen Haradigeed, loona baahan yahay in wax laga qabto.

Xabashidiu ciidan ayay Harar kasoo abaabuleen, waxayna ku duuleen reero miyi ah oo degenaa Dhagaxbuur iyo Agagaarkeeda iyagoo ku tuhmaya iney Sayidka xidhiidh la leeyihiin, xoolihii ay ka dhaceene waxay geeyeen Jigjiga.

Sayidku markii uu arintaasi maqlay wuxuu dagaal ku qaaday Xabashidii, 5, March, 1900, ayuu dagaal khadhaadh Jigjiga ku dhexmaray Sayidka iyo Xabashida.

Dagaalkaas sayidku waa ku jabiyay Xabashida, xoolihiina waa kasoo celiyay, hubna waa ka furtey, wuxuuna dagaalkaasi ahaa dagaalkii ugu horeeyay ee dhexmara Sayidka iyo Xabashida.

Buuga Dir dhaba boqoradii Bariga Itoobiya, waxaad ka helaysaa taarikh aad u fac wayn, waana buug aad muhiim ugu ah dhalinyarada iney akhristaan.

W/Q Shardiid xigasho

15/07/2022
11/07/2022

Address


Telephone

+251925723351

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GUUL WADE posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to GUUL WADE:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share