
22/11/2022
DEG DEG
Beesha Agoon Cabdalle oo Gabi ahaan kasoo baxda Howlgalka ka socda Gobolka Hiiraan.
Gaadidkii iyo Ciidamadii ugu badnaa Beesha Agoon Cabdalle ayaa kasoo baxay furumaha h**e ee dagaalka ka socda Gobolka Hiiraan kuwaas oo ku yaalla deegaanka Tardo iyo Yasooman ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamadan iyo gaadiidkan ayaa kusoo baxay Gadood kadib markii Beesha Ali madaxweyne ay isku koobtay dhamaan waxii howlgalka loogu tala galay iyo xilalkii beesha Agoon xitaa ay ku darsadeeyn taasi oo u cuntami waysay Beesha Agoon.
Gaadiidka Iyo Ciidamada Agoon ayaa hada ku sugan deegaanka Qabno ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaana howlgalka cuuryaamin haayso Siyaasiinta Beesha Ali madaxweyne ee Cuuryaasiyey Gobolka Hiiraan 20 sano ee ugu dambeeyey.
Howlgalka ayaa hada u muuqdo mid aan sii socon Karin kadib markii dhaqaalo badan ay soo qaateeyn Siyaasiinta Beesha Ali madaxweyne ee Muqdisho si qarsoodi ah kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud.