15/07/2025
Omar Fateh ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo duqa magaalada Minneapolis, isagoo ballan qaaday in uu kordhiyo mushaharka ugu yar, qaboojiyo kirada guryaha, islamarkaana ka hortago siyaasadaha Trump-ka. Waxa uu sidoo kale xooga saarayaa ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.