Nafa Abdullahi

Nafa Abdullahi 👉 10K mardhow gaarsiiya Page-ka

22/11/2023

Hooyoy habsaan kaama gelin, howd intaan jiraye

21/11/2023

Magaalooyin badan oo ka tirsan dalleena waxaa saameeyay daadadkii kasoo rogmadey roobabkii waqtiyadii u danbeeyay ka da‘ayay dalka, waxaase muuqata in dadkeenii ay noqdeen kuwa aad u kala go‘an oo maraya heer laga yax-yaxo, kii dhibta ku jiray waxaa eeganaya kii aysan weli gaarin dhibtu, bulshadii wax dhaq‘dhaqaaqaya malahan, wax arintaa u taagan oo kahadlay majiraan, dhaqaalo bulshada meel u yaalay oo lagu halaynayo majirto.

Halkaas waxaa si cad uga muuqata in dadkii laga dilay damiirkii iyo damqashadii ka dhaxaysay, ayna burbureen xiriirkii wadajirka.

Maxaa yaab soo if baxaya

17/11/2023

Shariif Shaaciye iyo abwaan Xalaf rag howlo badan u haya deegaanka, inaad caano ku dhantaan deegaanka waa xaqiina

17/11/2023

Legend Muhsin Amore waxa uu soo bandhigay Masraxiyad aan inba caadi ahayn party 2️⃣

17/11/2023

Legend Muhsin Amore waxa uu soo bandhigay Masraxiyad aan inba caadi ahayn

17/11/2023

Jimco wanaagsan bulshada degalkaan aan saaxiibada ku nahayow

14/11/2023

Muuqaalakaan waxa uu koobayaa dhor qodob oo ay isku darsadeen Gabdhaha/Hablahan: Quruxda iyo Xijjabka waa iftiin gooni ah, heerka waxbarasho oo yiddiilo gooni ah iyo farxad ku abuuray wejigooda, xishoodka ka muuqda iyo akhlaaqda ayaa laga sii dheehan kara

Gu. Husein Irfo in gaaro Magaalada Dhusamareeb waa arin aad iyo aad loo bogaadiyo, xilli uu deegaanku wajahayo xaalado a...
13/11/2023

Gu. Husein Irfo in gaaro Magaalada Dhusamareeb waa arin aad iyo aad loo bogaadiyo, xilli uu deegaanku wajahayo xaalado adag, dadkii ehelka ahaa ay si xun isu dileen oo dhaqanka ka fog, ilaa hadana aan xal loo helin dhibaatadaas mudada soo taagneed oo naf iyo maalba lagu waayay, kasokow in la dhaawacay derisnimadii iyo walaaltinimadii soo jireenka ahayd.

Gudoomiyaha waxaa lagu xasuustaa in uu degasnka waqti badan geliyay, kuna suntanyahay in uu qayb libaax leh ka qaatay nabadayn lagu tisqaaday, sidoo kale dhismihii Galmudug ayuu ka ahaa tiir dhexaa, intaas oo xarumood oo maanta loo hirto ay kamid ahaa dadkii albaabada u furey.

Taaganta maanta waxaan rajaynayaa in ALLE ku guuleeyo maslaxadda uu u tegey Dhuusamareeb, nabadda iyo xasiloonidii jirtayna uu soo celiyo isagoo ALLE iyo dadka deegaanka kaashanaya.

Aniga oo ku hadlaya afka dhalinyarada deegaanka ee samadoonka ah, waxaan leeyhay gudoomiye waan ku garab taaganahay.

12/11/2023

Annon waajibkii gudaney abayo
Gama‘ weyga xaaraanry abayo

10/11/2023

Jimco jeer suuban, asxaabta aan halkaan ku bahownay iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed

10/11/2023

Arooryo suuban, dadkaygow?
Barinaye, ma barideen?

08/11/2023

Waa dheeli tira waa dhaayo bila
Tolow waa tee

08/11/2023

47. Dabci dhaqanxumiyo been ayaad, darrajo moodeen
48. Intaa weys dakanisaan haddana, guul ma damacdaane
49. Kii la dilayna muu garan wixii, loogu daawgalaye
50. Kii deldelana muu garan wuxuu, kaa u daanniyaye
51. Dibna looma dhugan jeer intii, dhiig la daadiyaye
52. Hooyiyo dhalaankii la doox, dhaqanna doorsoonye
53. Dadka kii wanaag faafiyana, duugta loo badiye
54. Nabadoonkii daacadana waa, magac dilyeysaane
55. Dowladaha shisheeyahana wow, dhega dabceysaane
56. Misna wow durduro dhuumataan, sida dabraacdiiye
57. Magaciin dullowyaye maxaa, doqon idiin faantay

Qayb kamid ah Gabay dabka kasoo degaya, ha u daymo la‘aanina!!

Taswiirta inanta yar, dharka qiimaha iyo iftiinka wadada u ah, cilmiga ku dhexjira Buugga ay gacanta ku hayso iyo degana...
08/11/2023

Taswiirta inanta yar, dharka qiimaha iyo iftiinka wadada u ah, cilmiga ku dhexjira Buugga ay gacanta ku hayso iyo deganaashiyaha kamuuqda xaq iyo xuquuq ayay u leedahay, ALLE ayaan ku sharfey dhulkeeda.

Sidoo kale waxaa ku gedaaman hablo la jaal ah oo ay isku darsi yihiin.

Jawiga guud waxa uu ahaa mid dareen diimo ah lagu muujinayay, looguna baroor diiqayay Rag qiimo badan ugu fadhiyay magaalada oo inaga baxay.

„Midabka biyo dahab sidoodii
Ishaan deymada ka boganoo
Jeelaalada wa u dawiyo nabad“

Abdinaafac📸

07/11/2023

War nimankaan halkey ku danbeeyeen.

07/11/2023

Alle ha u yasiro, waa waqti adag oo caruur iyo ciroole ay xaalkaa ku suganyihiin😥

07/11/2023

Baydhabo Jannay Alle ha u fududeeyo dhibaatada ay daadadku gaarsiiyeen, bulshada ay xaaladusu haysana si gaar ah ayaan ula damqanayaa, waxaan ugu baaqayaa Bulshada kale ee Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Walaalaheen Ree Baydhabo.

Dayniile dhulkii boqortooyada iyo Beer-tii nasashada, dalku waxa uu u baahanyahay in loo bedelo dhul caagaran
05/11/2023

Dayniile dhulkii boqortooyada iyo Beer-tii nasashada, dalku waxa uu u baahanyahay in loo bedelo dhul caagaran

MahadsanidiinI've received 10,000 reactions to my posts in the past 30 days. Thanks for your support. 🙏🤗🎉
04/11/2023

Mahadsanidiin

I've received 10,000 reactions to my posts in the past 30 days. Thanks for your support. 🙏🤗🎉

04/11/2023

Geesiyad Sahro Keyf Cali cusman oo hadal qiimo badan ka jeedisay deegaanka barijeed oo ay kusuganyihiin geesiyada Macawisleyda ah iyo kuwa qaranka, waxaan ugu hanbalyaynayaa sida ay u garab taaganyihiin ciidanka iyo dedaalka dheeriga ah ee ay muujiyeen. Guulaysta

01/11/2023

Abwaan Mohamed Warsame Ebekar „Tabantaabo“
„Gabay-gii Dillaa Sare“

01/11/2023
Waxa aan hambalyaynayaa hogaamiyaha macawisleyda Soomaaliyeed Cali Jeyte Cusman, waxaana aaminsanahay in uu wax kabadali...
30/10/2023

Waxa aan hambalyaynayaa hogaamiyaha macawisleyda Soomaaliyeed Cali Jeyte Cusman, waxaana aaminsanahay in uu wax kabadali doono la dagaalanka khawarijta, sidii h**ey loogu mahdiyayna ayaan han weyn uga qabnaa in uu isku xirka, xuquuqda geesiyaasha macawisleyda uu wax ka tari doono si ay garab buuxa ugu noqdaa CXDS ee halganka kula jira khawaarijta.

Anigu ka shaqsi ahaan waxaan kow ka ahay inta garab taagan ciidanka macawisleyda iyo Hogaamiyaha geesiga ah ee noo huraya dhiigiisa iyo naftiisaba, inta ay ka go‘antahay dib u xorreynta dalka.

Bulshada inteeda kalena waxaan ugu baaqayaa in ay Af, Addin iyo maalba ku taageeraan halganka ayna meel iska dhigaan kala qaybinta bulshada.

Ha guuleysto halganka lagu cirib tirayo Khawaarijta.

Abdisamad oo ah wiil Soomaaliyeed, kuna dhaawacmay qarax ka dhacay Xero-ciidan oo ku taala magaalada Muqdisho, xilli uu ...
29/10/2023

Abdisamad oo ah wiil Soomaaliyeed, kuna dhaawacmay qarax ka dhacay Xero-ciidan oo ku taala magaalada Muqdisho, xilli uu dhibow halkaa kaga bilaabmay, kadib markii uu dhameeyay dugsiga sare ayuu go‘aansaday in uu kamid noqdo CXDS, halkii uu Jaamacad ama nolol kale sii samaysan lahaa.

Waxaa muuqata in uu u baahanyahay in la garab istaago cid kastaahina wixii ay u awoodo in ay ku kaslmayso, si uu ula tacaalo caafimaadkiisa, maadaama dhaawac xoog lihi soo gaaray.

29/10/2023

Adiga oo balan leh xilli cayiman, hadii ay saacadii dib isu celiso, qofkii aad la balansaneedna uu sacad kasoo dib dhaco yaa qaldan hadii la is qabsado, waayo saacad ayaad sugaysay isna waqtigii aad balansanaydeena ku yimaado.

27/10/2023

Heesu waa kuwii h**e

Meel kasta oo ay duur’jootu ku badantahay inta badan waa dhul barwaaqo ah, hase ahaatee waxaa la wariyaa in dhulkeenu xi...
26/10/2023

Meel kasta oo ay duur’jootu ku badantahay inta badan waa dhul barwaaqo ah, hase ahaatee waxaa la wariyaa in dhulkeenu xilli u lahaa duur’joog aad u badan, baadkuna dhulka uu is xiray, balse muddo kooban waxaa i badalay sawirkii laga bixiyay oo waxa aan aragnay dhul banaan u badan, geedo gaagaaban, duurjoogta kunooli tahay wax dhif iyo naadir la arko iyo abaaro soo noqnoqda.

Maxaa loo sababayn karaa? Aragtidaada!

25/10/2023
Allaha naxariistii Janno haka waraabiyo walaasheen.
24/10/2023

Allaha naxariistii Janno haka waraabiyo walaasheen.

24/10/2023
23/10/2023
22/10/2023
Dad caynkee ah ayaa lagu tilmaami karaa, dadka aysan Diin, dhaqan, wada dhalasho, deris iyo insaanimo aysan celinayn oo ...
22/10/2023

Dad caynkee ah ayaa lagu tilmaami karaa, dadka aysan Diin, dhaqan, wada dhalasho, deris iyo insaanimo aysan celinayn oo wax ay ka naxayaan iyo wax ay kaxishoonayaan aysan jirin.

Dalkeena waxa halakeeyay waxa qayb wayn ka ahaa dagaalka sokeeye oo aysan jirin wax faaiido ah oo kujira, hase yeeshee waxaa jiray wax lama taabtaan ahaan jiray balse dhaqan-jabkii/qaran-jabkii nagu dhacay ayaa waxa ay sababeen wixii la dhiwri jiray in ay noqdaan waxa ugu h**eeya ee la baabi‘iyo tusaale: Culimada, Caruurta, haweenka, indheer garadka iyo waayeelka waxaa mamnuuc ahaan jirtay in la dilo, waayadaanse waayeel daaye waxaa la dilayaa saqiiradii aanba aqoon aduunkan waxa uu yahayba.

Anigu waxa kaliya oo aan dhihi karaa waxaan nahay dad ay cawaantu ka mansab iyo dhaqan wanaagsantahay, mar hadiiba aynaan kala saarayn waxaan isku hayno iyo waxa ay tahay in aynaan iska baabi‘in.

Umadda dadkaa lagu tiriyo, kuwa dariska la ah, kuwa maamulka u ah, waxgaradka iyo culimada waxaan ugu baqayaa in ay masiibadaas ka hirtagaan oo ay si xaq iyo cadaalad ah umadaa u dhexgalaan, naxariista ALLE lagama quustee waa intaas oo isku daygaasi guulaysta.

Dagaaladaan oo kale markaan arko iyo sida cadowga ay Khawaarijtu u horayso noo dhuudayo, inaguna aan iskugu jeedno waxaa igu soo dhacda labadii deeree iyagoo is herdinaya oo dagaalamay libaaxii cuni lahaa tafta uu ku dhagay, hadana aan ku baraarugin in ay gacan kujiraan .

22/10/2023
21/10/2023

Dhulkeena waxaa ka da‘aya robab lixaad leh, si kale waxaa jira in daadad saamayn ku yeeshay magaalooyinka qaar iyo dadka beeraleyda ah, si gaara kuwa wabiga ku teedsan. Waxaa sidoo kale jiray digniino h**e uu looga digayay in ay kafeejignaadaan daadadka laga yaabo in ay soo rogmadaan.

Sida muuqata taxadar badan lagama muujin, balse waxaa jira weli fursad lagaga gaashaaman karo, sidaa awgeed waxaan ku boorinayaa dadkeena in ay taxadaraan, magaalooyinka hadda ay daadadku saameeyeena in lagarab istaago, si looga baaqsado dhibta gaari karta dadka guryahooda ay biyihu ka bixiyeen.

21/10/2023
20/10/2023
20/10/2023
18/10/2023

Adresse

Steinweg
Schonungen
97453

Telefon

+4915217144503

Webseite

https://www.facebook.com/NafacSaylac

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Nafa Abdullahi erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Nafa Abdullahi senden:

Videos

Teilen

Kategorie