Golis Somali TV

Golis Somali TV Golis Somali TV Waxa aad ka heli doonto, Warar, Barnamijyo iyo Madadaalooyin ku Xiso Geliya. Ku Xidhnow Golis somali TV

21/02/2025

" Madaxweyne hadii aanu waxba qaban weyno in aanu iska tagno ayaan diyaar nahay .." Mayarka Boorama

“Madaxweyne haddii ay Mashaariicdani Hirgasho Waxa aan Kuu balan qaadayaa adeeradayna way fadhiyaane in mar kale laguu c...
21/02/2025

“Madaxweyne haddii ay Mashaariicdani Hirgasho Waxa aan Kuu balan qaadayaa adeeradayna way fadhiyaane in mar kale laguu codeeyo” Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiiladda Somaliland Cali Xaamud Jibriil.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚, 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧  𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛𝐧𝐚 𝐱𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲Bo...
21/02/2025

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚, 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛𝐧𝐚 𝐱𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲

Boorama 21.02.2025 ( )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ku gudo jiro safarkiisa shaqo ee ku fulinaayo ballamihii uu waqtigii ololaha u qaaday bulshada reer Awdal, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha madaarka Boorama oo udub-dhexaad u ahaa ballamihiisii ololaha, isaga oo sidoo kale xadhigga ka jaray waddo weyn oo laga hirgeliyey badhtamaha suuqa Boorama.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo kuwa degmada iyo madax-dhaqameed kala duwan, ayaa ka qaybgalay munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax-dhigga dhismaha madaarka Boorama, waxana munaasibaddaas laga jeediyey hadallo salka ku haya sida xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD uga go’an tahay taabbogelinta dhammaanba waxqabadkii uu madaxweynuhu bulshada u ballanqaaday xilligii ololaha.

Madaxda gobolka Awdal iyo degmada Boorama oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Boorama ugu baaqay inay xukuumadda ku taageeraan waxqabadka ballaadhan ee ay gobolka ka waddo, iyaga oo si gaar ah farriin ugu diray shacabka deggen dhulka madaarka Boorama oo loogu baaqay inay dhulkaas danta guud ah ka diyaar garoobaan.

Wasiirka wasaaradda duulista iyo horumarinta madaarradda Somaliland, Mudane Fu’aad Axmed Nuux oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qaabka dhismaha madaarku noqon doono iyo waxyaabaha uu ka koobnaan doono, waxana uu sheegay inay ka dhabayn doonaan hirgelinta madaarkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadda dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inuu dhisayo oo dhammaystirayo madaarka Boorama, isaga oo bulshada ugu baaqay inay taageeraan dhismaha madaarka iyo horumarka kale ee gobolka ka socdaba.

Dhinaca kale madaxweynaha qaranku waxa uu xadhigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgeilyey gudaha magaalada Boorama, taas oo wax badan ka tari doonta isu socodka gaadiid ee gudaha magaalada Boorama.

21/02/2025

: Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Ayaa Dhagax Dhigay Dib-u-Dhiska Madaarka Boorama
Golis Somali TV

21/02/2025

"Madaxwaynaha Somaliland Waxaan Uga digaynaa In Rag Ujeedo Hoose Lahi Ku dhex dagaalamaan Xukuumadaada" Aadan Cabdi Ciidle - Boolimoog

Imaaraadka Carabta oo Maalgelin Ku Samaynaya Macdanta iyo Shidaalka SomalilandMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa...
21/02/2025

Imaaraadka Carabta oo Maalgelin Ku Samaynaya Macdanta iyo Shidaalka Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Imaaraadka Carabta uu qorsheynayo maalgelin ballaadhan oo ku saabsan macdanta iyo shidaalka Somaliland.

Wuxuu sheegay in wada-hadallo rasmi ah ay arrintan kala yeesheen madaxda Imaaraadka, iyagoo ka wada hadlay fursadaha horumarineed ee ku gadaaman Somaliland.

Maalgelintan ayaa la filayaa in ay kobciso dhaqaalaha dalka, abuurto fursado shaqo, isla markaana kor u qaaddo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa xusay in wada-hadallada ay sidoo kale ku jiraan mashaariic kale oo horumarineed, kuwaas oo lagu dhammeystiri doono iskaashi dhow oo dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

21/02/2025

“saciid dani dowladda somaliya iney putland ka caawiso dagaalka ay ku jirto wuu diidanyahay”.Wasiir fiqi

21/02/2025

"Balanqaad Kasta oo Aan Ka Sameeyay Gobolka Awdal Wuu Hirgalaya"Madaxweyne Cirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa xalay kulan casho iyo is xogwarays...
21/02/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa xalay kulan casho iyo is xogwaraysi ah la yeeshay bahda dhaqanka ee gobolka Awdal.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay bahda dhaqanka ee gobolka Awdal oo ay ku wehelinayeen guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

Ayaa Waxaa diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqayn lahaa loona taageeri lahaa waxqabadka ballaadhan ee xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ka waddo gobolka Awdal iyo guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo qayb ka ahaa ballanqaadyadii madaxweynaha qaranku sameeyey xilligii ololaha doorashada.

21/02/2025
"Skeekada Socota ee odhanaysa ciidan baa shaqadii laga eryey, waa iga su'aale miyaa la eryey mise waa la beddeley?Sida l...
20/02/2025

"Skeekada Socota ee odhanaysa ciidan baa shaqadii laga eryey, waa iga su'aale miyaa la eryey mise waa la beddeley?

Sida la soo qorayo haddii la eryey macneheedu waa ciidankii waa laga rukhseeyey taasina in la sababeeyo ayay u baahan tahay.
Haddiise ay tahay waa la beddeley waxa la is weydiinayaa h**e ma u dhacday tan oo kale?

Liiska magacyada ah ee la taxayo haddii ay sidaa loo qoray yihiin dhamaantood waa saraakiil xiddigle iyo wixii ka sarreeya, su'aasha imanaysaa waxa weeye madaxtooyadu ma qaadi kartaa saraakiisha intaa le'eg ee qaarna weliba ka sii hadheen.

Ciidanku dawladdii KULMIYE ka hor ma uusan lahayn wax derejo iyo sumad kala sarrayneed ah oo aan ka ahayn in qayb walba madax looga dhigo cid uun markaa la isleeyahay way ku haboontahay dhinac kastaba ha laga eegee.

Markii Derejada ciidanka KULMIYE gaar ahaan Ahaan madaxweynihii geeriyoodey Axmed Siilaanyo ALLA HA U NAXARIIATEE uu ku dhiirradey ee loo kala sameeyey waxa jirey ciidan badan oo meelo kale loo beddeley.
Tusaale waqtigii dawladdii Madaxaweyne Muuse Biixi waxa jirey saraakiil laga beddelay madaxtooyada oo la geeyey Booliska ama ciidanka Qaranka.
Waxaynu ognahay in ciidamada sannadkiiba hal mar la dallacsiiyo qaarkoodna shantii sannadoodba mar, haddii aanay jirin sababo kale oo dedejin karaa.
Caqli ahaan waynu fahmi karnaa afrtan ilaa konton sarkaal inaanay suuro gal ahayn inay joogaan madaxtooyada, waayo waxaa loo baahnyahay ciidan gaadhka qabta, albaabada fura, biraha qaada, dadka baadha sarkaalkuna intaa ma samayn karo, markaa waa lagama maarmaan in la helo ciidan dhallinyaro ah oo shaqadaa ku haboon ha laga keeno ciidamada kale ama ha noqdaan ciidan cusub oo tababarane.

Xukuumaddan waxa fara badan dhaliileheeda kale gaar ahaan xagga maamulka oo aynu la sugayno boqolkii maalmood ee xisbigu qabsaday laakiin tan waxay ila tahay inaanay ahayn dhaliil macno inoo samayn karta, yaanay xikmaddu meel aan waxba tarayn inagaga sii dhamaan.

Waxa Qoray Siyaasi Abdikariin Axmed( Xiinif) ✍️

"Wasiir Fiqi Isaga Oo Igu Faraxsan Ayuu Sawir Iga Codsaday Anigu Maan Garanayn Oo Iga Tag Baan Ku Idhi"Abagaadhe Qadiir ...
20/02/2025

"Wasiir Fiqi Isaga Oo Igu Faraxsan Ayuu Sawir Iga Codsaday Anigu Maan Garanayn Oo Iga Tag Baan Ku Idhi"Abagaadhe Qadiir .

20/02/2025

"Illahay Haddi aad taqaanan hala kala meeraysto, Shaqo bad idin taala ee Shaqadiina qabsada" Sahra Halgan
Golis Somali TV

Siyaasi Osman Cumar Dool Ayaa Hargeysa Maanta Ku Shaaciyay in uu Yahay Musharax U Taagan Doorashada Golaha Wakiilada Som...
20/02/2025

Siyaasi Osman Cumar Dool Ayaa Hargeysa Maanta Ku Shaaciyay in uu Yahay Musharax U Taagan Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland

G/Dhexe Abdixakiim maxamed cabdi Jeego ayaa loo magacaabay abaanduulaha ururka 26aad ee Ciidanka Daraawiishta PL ee Gobo...
20/02/2025

G/Dhexe Abdixakiim maxamed cabdi Jeego ayaa loo magacaabay abaanduulaha ururka 26aad ee Ciidanka Daraawiishta PL ee Gobolka Sool.

Putland ayaa tartiib tartiib ula weeragaysa sida muuqata.

“ Waxa aan  u soo jeedinayaa shacabka in la baneeyo Xayndaabka Madaarka Diyaaradaha magaalada Boorama oo aanu dhisayno d...
20/02/2025

“ Waxa aan u soo jeedinayaa shacabka in la baneeyo Xayndaabka Madaarka Diyaaradaha magaalada Boorama oo aanu dhisayno dhawaan .” Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

20/02/2025

:"Inanta Xamar lagu soo xumeeyay iyo go'aankii uun ba isku beegmay,Imika laga bilaabmona waa u fasax.."Badhasaabka Gobolka Maroodijeex

20/02/2025

“Haboon Nuura Showgeedii waa u fasax..” Badhasaabka Gobolka Maroodijeex

Adresse

Munich

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Golis Somali TV erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Golis Somali TV senden:

Videos

Teilen

Kategorie