14/10/2022
ALLA HOOYO HAY DILIN
Abu Yaxye; oo loo garan ogyahay “Maato-laaye”; gaalada muxaaribiinta ah iyo mushrikiinta cadawga ah ee quraanku sheegay wuxu u haystaa in ay yihiin dadkan lebisan ee dhex lugaynaya laamiyada Xamar oo ay Hooyadiina ku jirto.
(Maqaal aan qoray Ramadaantii 2014, ku celin xuska shuhadada ee 14ka October darteed)
Waa isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, sanadku waa 2014. Xilligu waa shantii galabnimo, isgoyskuna waa mashquul. Inkasta oo uu xilliga rawaxaadda mar kasta mashquul yahay, haddana galabta waxa u sii dheer iyada oo berri Ramadaan ay kow noqonayso. Waddada waxa ka tallaabaysa hooyo dhibban oo dhabarka ku sidda alaab culus. Labada gacmoodba way u buuxaan oo dambiil iyo darmuus ay shaah ku soo karisay ayay ku siddaa.
Maatolaaye oo magaciisa maqaar-saarka ahina uu yahay Abu Yaxya, waa wiilkeedii curad ee ay ula baxday Cumar, oo ay ku soo korisay tacab, dhib iyo rafaad; kaddib markii uu aabihii geeriyooday isaga oo 3 jir ah. Waxa ay ka soo rawaxday goob dhisme ka socdo oo ay shaah ku gadaysay illaa saaka waaberigii, gurigeediina waxa ku sugaya 5 gabdhood oo yaryar oo ay dhashay; oo labana ay Abu Yaxye ku dhalasho xigeen, 3 gabdhoodna ay u dhashay odaygii dambe ee guursaday ee isna ku dhiman jirey qaraxii lagu baaba’ay ee Hargaha iyo Saamaha.
Abu Yaxye ama Maatolaaye hadda wuxu soo fuulay dalcadda ka timaadda suuqa Bakaaraha, wuxuuna isa soo taagay isgoyska Dabka. Wuxu rabaa in uu toos u baxo, keligiina maaha, wuxu dusha ku sidaa 7 tan oo qarax ah. Wuxuu ku wajahan yahay dekadda weyn ee Muqdisho oo ah halka quudisa ee cuntadu uga soo degto malaayiinka shacabka ah ee ku kala go’doonsan Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya. Abu Yaxye wuu degdegsan yahay. Sida uu aaminsan yahay Jannadii waxa uga hadhsan inta uu Dekadda gaadhayo. Haddii laga celiyana isgoyska Dabka ayaa u ah yoolka labaad. Wuxu wadaa baabuur Candhomaydle ah oo ah kuwa xamuulka qaada. Waa raran yahay, waa habaysan yahay. Askartii isgoyska ayay is haystaan. Kala wareeg ayay ku celcelinayaan iyaga oo diiddan oo ka celinaya saddexda jid ee kala: kan Lambar Afar aada, kan Dekedda iyo ka Madaxtooyadaba.
Hadda waxa hormaraysa Mama Faadumo. Waa hooyadii, oo aanay afar sanno oo uu duurka ku jirey is arkin. Laakiin Abu Yaxye (aka Maatolaaye) xusuusta hooyadii habeenna maskaxdiisa k**a bixin. Muxuu u xasuusan waayey, weligeed iyada oo isaga wax siisa mooyaane iyadu afkeeda waxba ma gelin oo waxba ma cuni jirin illaa cunugeeda Cumar uu baahi beelo. Darmuuska shaaha ah ee ay hadda siddo ayay ku soo korisay. Indhihiisii kululaa ee aad moodeysay ugaadhsade arkay ugaadh cayilan ayuu askarta hortaagan sidii shabeel aad u xanaaqsan indhihiisa kulul ugu eegayaa. Indhaha kulul wuxu ka keenay sheeko baraley looga sheekeeyey in Cabdalla Cazzaam oo aasaasay fikirkan jihaadiga ah uu gaalada ku eegi jirey indho kul kulul oo kuwa shabeelka oo kale ah.
Maatolaaye ama Abu Yaxya maaddaama loo diiday in uu gudbo! Batanka qaraxa ayuu rabaa in uu taabto. Isaga naxariistii way ka dhammaatay, kufaarta iyo mushrikiinta Ilaahay nacdalay ee uu Quraanka ka akhristo wuxu u haystaa in ay yihiin Muslimiintan isu diyaarinaya bisha barakaysan ee Ramadaan, ee berri bilaabanaysa. Weligii gaal muu arag, laakiin wuxu aaminsan yahay in dadka jidka Maka Al Mukaramah isticmaala oo dhami ay diintii Maxamadiya ka laabteen oo ay murtadiin yihiin. Waa lix iyo toban jir aan weligii helin fursad waxbarasho iyo naxariis bulsheed.
Wuxu sharaabay oo aad u akhristay dhambaalada mala’awaalka ah ee laga soo waarido Afgaanistaan, Yemen, Ciraaq iyo Suuriya ee ka waramaya meyd dhintay oo haddana qoslaaya, malaa’ig dagaalamaysa, cadow lalaynayo oo dhulka ku sii daadanaya wax dilayana aan la’arkayn; udug iyo barafuun ka soo baxaya guri ku dumay dagaalyahanno Daalibaan ahaa. Riyooyin, qisooyin kutiri kuteen ah oo ay dhallinyarada uga sheekeeyaan dhallin ka soo dagaalantay Yemen, Shaam iyo Ardul Khuraasaan. Khuraafaadkaas iyo borobagaandadaas af Carabiga ku qoran ee uu diinta u hasyto iyo nashiidooyinka aanu macnahooda fahmin laakiin laxankooda iyo rhythm-kooda uu ku cibaadaysto baa maankiisa iyo maskaxdiisa ka buuxa.
Laakiin hooyo Faadumo sidaas maaha? Qalbigeeda waxa buuxiyey dareen waalidnimo, dareen derisnimo, dareen Soomaalinimo, dareen nabadeed oo qalbigeeda degey. Weligeed deris kuma eegin baahi, duug iyo tacsina k**a baaqan iyada oo weliba muruq maal ah oo xooggeeda maasha. Inkasta oo aanay hanti lahayn haddana gurigeeda waa ka derisku biyaha, cusbada iyo cajiin kaba ka soo helaan ee aan maya lagu oran. Waxay aaminsan tahay derisnimo, dadkuna qabiil uma kala laha, Soomaalida xaafadda deggan oo dhan bay aaminsan tahay in ay hooyo u tahay.
Waatan hadda jidka lugaynaysa. Hooyo Faadumo way daallan tahay, waa sidii saaka allasay (6dii) ay u baxday. Midigteeda ayay fiirinaysaa maama Faadumo. Baabuurka la leeyahay kala wareeg ee lagu qaylinayo ayay eegaysaa. Indho aqoon durugsan isu leh, oo ka fog indho ee illaa qalbiga iyo wadnaha isku xidhiidhsan ayaa isku dhacaya. Waa hooyadii, Hooooyo orod orod ayuu odhanayaa. Alla waa wiilkaygii Cumar. Afar sanno may arag. Habeen kasta isaga oo la jooga oo intuu shaqada ka fariisiyey lacag uu soo shaqeeyey cunto ugu soo iibiyey ayay ku riyoon jirtay!
Eeddo baabuurku wuu qarxayaa ee ka fogow, ka fogow ayay askartu ku qaylinayaan. Maama Faadumo aragtay in baabuurka qarxayaa yahay kan wiilkeedu saaran yahay. Ma saarna ee qarax-wade ayuu ka yahay.
“Alla Hooyo hay hilin,”“Alla Hooyo hay dilin,” Adna hayska kay dilin” ayay leedahay iyada oo ku sii ordaysa dhinaca baabuurka qarxaya ee wiilkeedu qaraxwade ka yahay. Hooyo Faadumo hadaladeedii ugu dambeeyey inta aanay gacanta la gaadhin baabuurkii qarxayey waxa kamid ahaa:
Hanadkaygi curadee
Hubka laygu dhiibow
Maxaan hagar baxaagii
Holac iyo dhib kuu maray,
Maxaan horumarkaagii
Kun habeen u taagnaa,
Maxaan horukacaagiyo
Hanaqaadka sugi jirey,
Maantana halaaggiyo
Hadimada naftaydiyo
Waxad tahay heddeydee
Alla hooyo hay dilin
Adna hayska kay dilin
Kuma waayee hay dilin.
Haki socodka gaadmada
Soomaalidu hal weeyaan
Waa wada hilbiyo jiidh
Muslin wada hanuunsane
Iyagana ha iga dilin
Alla hooyo hay dilin.
Haldoorkaan jeclaayee
Hororku iga jiitow
Maxaan caano kugu habay
Timaa hoolif kaa jaray
Maxaan goor habeenimo
Hurdo kaaga soo kacay
Maxaan noqo hoggoonshiyo
Kugu idhi halyey qaran.
Maantana hubkaagiyo
Qaraxaad habaysaa
Ina wada haligayee
Alla hooyo hay dilin
Adna hayska kay dilin
Kuma waayee hay dilin.
Haki socodka gaadmada
Soomaalidu hal weeyaan
Waa wada hilbiyo jiidh
Muslin wada hanuunsane
Iyagana ha iga dilin
Alla hooyo hay dilin.
Sheekadan iyo maansadan ba waxad ka helaysaa Buuggayga “Mangalool: Suugaanta Cismaan Dubbe” bogga 21.