![Dowladda Federaalka Somalia oo shaacisay qorshe ka dambeeya muddo kordhinta madax goboleedyada.Dowladda Federaalka Sooma...](https://img4.medioq.com/628/882/122161734026288822.jpg)
03/02/2025
Dowladda Federaalka Somalia oo shaacisay qorshe ka dambeeya muddo kordhinta madax goboleedyada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa difaacday go’aankeeda ku aaddan kordhinta muddo xileedka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo lagama maarmaan u ah horumarinta dib-u-habeynta doorashooyinka iyo u-gudbidda nidaamka “hal qof, hal cod”.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in muddo kordhintan, oo lagu soo afmeeray shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda federaalka ee isku aaddinta jadwalka siyaasadeed ee dalka, si doorashooyinka dhammaan heerarkooda kala duwan hal mar loogu wada qabto.
“Muddo kordhintu waa tallaabo lama huraan ah oo looga weecanaayo hannaanka doorasho ee dadban, kaas oo ku saleysan nidaamka beelaha, isla markaana aan ku dhaqmeyney muddo haatan laga joogo toddobo sano,” ayuu Mudane Jaamac hadalkan u sheegay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.
“Waxaa naga go’an in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed u suurta galinno in ay si toos ah u soo doortaan hoggaamiyeyaashooda — laga soo bilaabo mas’uuliyiinta heer deegaan, illaa heer gobol, iyo weliba kuwa dowlad-goboleed.”
Saalax ayaa sidoo kale sheegay in guddiga doorashooyinka qaranka ee dhawaan la asaasay uu haatanba bilaabay howlaha la xiriira diyaar-garowga coddeynta, iyadoo saraakiil ka tirsan guddigu ay kormeer ku kala bixin doonaan gobollada muhiimka ah ee dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.
Guddiga ayaa qorsheynaya inuu korjoogteeyo geeddi-socodka xilliga kala-guurka ah, sidoo kalena xaqiijiyo in daneeyeyaasha kala duwan ee heer deegaan ay qeyb ka noqdaan howlaha doorashooyinka.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in bisha Juun 2025 ay tahay waqtiga loo qorsheeyay qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka, taasoo haddii ay hirgasho astaan weyn u noqon doonta geeddi-socodka dib-u-habeynta hannaanka doorashooyinka.
Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasoo ku doodaya in hannaanka lagu fulinaayo aanu lahayn hufnaan ku filan, isla markaana uu sii xoojin karo awoodda maamulka talada haya.
Siyaasiyiinta ka soo horjeeda hannaanka dowladda ayaa weliba walaac xooggan ka muujiyay waqtiga loo qabtay, iyagoo ku adkeystay in khilaafaadyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo aan xal rasmi ah laga gaarin ay sababi karaan dib-u-dhac kale ama xitaa inay hurin karaan colaad hor leh.
Caqabadaha doorasho qof iyo cod ah
Dhinaca kale, caqabad weyn ayaa weli ka taagan dhanka ammaanka. Iyadoo kooxda Al-Shabaab ay weli ku xooggan tahay deegaannada baadiyaha ah, ayna weerarro joogta ah ka geysato gudaha dalka, hubinta in dhammaan muwaadiniintu ay si nabad ah uga qeyb-qaadan karaan doorashooyinka ayaa weli ah arrin walaac weyn laga qabo.
Soomaaliya ayaa tan iyo horraantii qarnigan 21-aad ku tiirsaneyd hannaanka doorasho ee dadban, halkaasoo odayaasha dhaqanka ay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka, kuwaasoo markooda doorta Madaxweynaha.
Hannaankan, oo saldhig u ah qaab-dhismeedka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, ayaa ahaa xal wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinaayay metelaadda siyaasadeed ee waddan kasoo kabanaayay colaad sokeeye, laakiin waxa uu muddooyinkii u dambeeyay dhaleeceyn kala kulmayay inuu kordhiyey musuqmaasuqa, isla markaana xaddiday ka qayb-galka siyaasadeed ee shacabka.
Maamulladii h**e ee dalka ayaa isku dayay inay hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee isku dayadaas ayaa la kulmay caqabado laxaad leh. Tusaale ahaan, sannadkii 2020, dowladdii h**e ayaa qorsheysay inay dalka ka hirgeliso nidaamka “hal qof, hal cod”. Hase yeeshee, khilaafaadyadii siyaasadeed ee soo noqnoqday iyo caqabadaha dhanka ammaanka ayaa sababay in dib loo dhigo qorshayaashaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay xildhibaannadu ku doorteen doorasho dadban bishii Maajo 2022, muddo xileed afar sano ah, ayaa mudnaanta koowaad siiyey in dalka laga hirgeliyo doorasho toos ah, taasoo uu sheegay inay tahay ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee maamulkiisa. Xildhibaannada ayaa tan iyo markaas soo jeediyay in muddo xileedka Madaxweynaha laga dhigo shan sano, inkastoo wax-ka-beddelkaas aan weli la ansixin.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in qorshaheeda hadda uu abuuri doono nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, hufan, isla markaana xaqiijinaaya metelaadda shacabka.
Saalax Axmed Jaamac ayaa markale ku celiyay in dowladda ay u furan tahay wadahadal lala yeesho kooxaha mucaaradka si wax looga qabto walaacyada ay qabaan, balse waxa uu ka digay in dib-u-dhacyo hor leh ay khatar gelin karaan jadwalka dib-u-habeynta.
“Waxaan heynaa qorshe cad oo aan ku dhaqaaqeyno,” ayuu yiri Mudane Jaamac. “Ma awoodno inaan iska lumino fursaddan taariikhiga ah ee dib-u-habeynta siyaasadeed ee dalka.”
Dalhag Media Follow dheh si aad u hesho Wararkii ugu dambeeyey ee Soomaalida iyo Caalamka.