Dalhag Media

Dalhag Media Dalhag Media

Jubaland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamud inuu u kala eexday Ciidanka Xooga Dalka gaar aha...
09/12/2024

Jubaland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamud inuu u kala eexday Ciidanka Xooga Dalka gaar ahaan inuu diiday dalacsiinta kuwa Jubbaland ku sugan.

06/10/2024

ISR oo 60 kun oo Askari Gelisay Xuduudka Lubnaan

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee Jarmalka waxaa bisha todobaad loo siyaadinayaa gunnada ay qaataan. Hadda xilli...
14/05/2024

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee Jarmalka waxaa bisha todobaad loo siyaadinayaa gunnada ay qaataan. Hadda xilligaan halka uu qofka Xildhibaanka ah ka qaato 10,591€ bishii, ayaa July 2024 kedib noqon doonta 11,227€ bishii.
Waana mushaar canshuur laga jarayo.

Waxaa intaasi xildhibaan walba usii dheer 5051€ bishii oo aanan canshuur laga jareynin, taasoo uu Xildhibaanka guri Berlin ku yaalla ku kireysan karo ama xafiis degmada laga soo doortay ah ku kareysan karo.

Waxaa intaasi usii dheer in qofka Xildhibaanka ah loo ogol yahay shaqo kale inuu qabsan karo, lacagna ku qaadan karo. Tusaale Abukaatenimo, Professor-nimo iwm.
Xigasho - Ahmed Kadiye

Milatariga Israaiil ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta barta kontoroolka Rafax oo u dhaxaysa Gaza iyo Masar...
07/05/2024

Milatariga Israaiil ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta barta kontoroolka Rafax oo u dhaxaysa Gaza iyo Masar.

Sheegashadan ayaa imaneysa maalin kadib markii ay Israel ku amartay tobannaan kun oo qof oo Falastiiniyiin ah inay ka tagaan goobta, iyadoo duqyamana gaysatay.

Magaalada Bad Dürrheim ee gobolka Baden-Württemberg. Waxaa jira nin Soomaali ah oo degan Hotel kaam cml ah oo Albert-Sch...
07/05/2024

Magaalada Bad Dürrheim ee gobolka Baden-Württemberg. Waxaa jira nin Soomaali ah oo degan Hotel kaam cml ah oo Albert-Schweitzer-Haus la dhaho (Waa Hotelka sawiradiisa ay halkan ka muuqdaan).
Boliiska waxay sheegeen inuu ninkaan Isniin walba dab qabadsiiyo kaamka.
Maanta oo Isniin ah ayaana ugu danbeysay, qoryo xaabo ah oo uu soo aruursaday ayuu dab ku dhejiyay. Marwalbana suuliga ayuu dab ka kiciyaa ayayna dheheen. Way qabtaan wayna soo daayaan, maadaama uusan khasaare weyn geysan, balse digniin ayay siiyaan.

Lkn markaan boliiska waxay sheegeen inaysan sidaas uga hari doonin, waxayna intaasi ku dareen inay safaaradda Soomaaliya ee Berlin la xariireen, si ninkaan loo tarxiilo, maadaama hadda uusan warqado heysan qaab loo celiyana aanan la aqoon.

Waxay sidoo kale sheegeen inuu ninkan jawigaba ka qasneyn, qosal yar laga dareemayo, xarunta boliiska markuu joogana nin Ilaahay baryaaya uu yahay, siday tilmaameen.

Waa cajiib.

Ninkaas haddii uu hadalkeena gaarayo, waxaan dhihi lahayn saaxiiboow Allaha ku caafiyee dabka ka dhaaf hooygaaga.

Xigasho Ahmed Kadiye

Waxaa shil baabuur ku geeriyootay Hodan gaabo oo caan ka ahayd barta Tiktok.Waxaa lasoo warinayaa in ay shil baabuur ku ...
01/05/2024

Waxaa shil baabuur ku geeriyootay Hodan gaabo oo caan ka ahayd barta Tiktok.

Waxaa lasoo warinayaa in ay shil baabuur ku galeen inta udhaxaysa nairobi iyo Gaarissa weyna geeriyootay alle ha unaxariisto.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamada CQS ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo katirsan ha...
26/04/2024

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamada CQS ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo katirsan hay’adaha amniga ayaa caawa ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobalka Shabeelada Dhexe, waxayna halkaas kawadaan abaabulka iyo isku daba-ridka dagaalka ka dhanka ah AS.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhowaan ay magaaladaas gaaraan wafuud kale oo katirsan DF iyo maamulka HirShabeelle. Madaxdaan ayaa inta ay joogaan Aadan Yabaal waxay sidoo kale xal u raadin doonaan colaadda u dhaxeysa dadka walaalaha ah ee kasoo kala jeeda degaano katirsan HirShabeelle.

24/04/2024

Wax ka ogaw Basaskii yahuuded Part (1)

Falastiin oo la aqoonsaday  Dowladda Jamaica ayaa sheegtay inay qaadatay go’aan ay ku aqoonsanayso dowladda Falastiin iy...
24/04/2024

Falastiin oo la aqoonsaday

Dowladda Jamaica ayaa sheegtay inay qaadatay go’aan ay ku aqoonsanayso dowladda Falastiin iyadoo ay jirto walaac laga qabo in dagaalka Israa’iil ka wado Gaza iyo dhibaatada bini’aadantinimo ee ka tagaan dhulka Falastiin.

"go'aankan adag ee Jamaica qaadatay wuxuu qayb ka yahay mabaadi'da Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo ah in la dhaliyo ixtiraam iyo wada noolaansho nabad ku qotoma oo ka dhexeeya dawladaha, iyo sidoo kale aqoonsiga xaqa ay dadku u leeyihiin aayo-ka-tashigooda ." Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay sidaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamaica Kamina Johnson Smith ayaa sheegtay in wadankeedu uu doonayo in uu arko "xal nabadeed in lagu xaliyo khilaafka Israa'iil iyo Falastiin iyada oo loo marayo wadahadal diblomaasiyadeed halkii ay ka ahaan lahayd talaabooyin militari".

Gantaallo lagu weeraray saldhigga Mareykanka ee Suuriya.Sarkaal Maraykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiiji...
22/04/2024

Gantaallo lagu weeraray saldhigga Mareykanka ee Suuriya.

Sarkaal Maraykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey in in ka badan shan gantaal oo laga soo riday dalka Ciraaq lagu beegsaday ciidamada ku sugan saldhigga isbahaysiga ee ku yaal magaalada Rmeilan ee dalka Suuriya, balse waxa uu sheegay in aanay jirin cid Maraykan ah oo wax ku noqotay.

Ilaa hadda ma cada in gantaalada ay ku dhici waayeen saldhiga iyo in la burburiyay ka hor inta aanay gaadhin. Sidoo kale ma cadda in saldhigga laftiisa uu ahaa bartilmaameedku.

Weerarka ka dib, sarkaalku waxa uu sheegay in diyaarad ka tirsan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee Ciraaq iyo Suuriya ay fuliyeen weerar ka dhan ah goobaha lagasoo riday gantaalada

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa isku mar ka dalbaday cunto daraasiin ah maqaayado kale duwan hab (onli...
21/04/2024

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa isku mar ka dalbaday cunto daraasiin ah maqaayado kale duwan hab (online) oo ku yaala dalka Turkiga.

wuxuuna dalabka in la geeyo ka dhigay ciwaanka (Address) guriga saaxiibtiisii h**e ee ay xidhiidh wadaaga ahaan jireen, habka lacagta Lagu bixinaayo wuxuu ka dhigay caddaan (Cash) oo laga bixinaayo guriga saaxiibtiis h**e.

Kadib gurigii gabadha waxaa iskugu yimi wadayaasha mootooyin badan oo wada dalabkii cuntada.

Maxay gabadhu ku sameysay ninkaas dhalinyarada ah ? Ma lacagtii kaga baxday intii ay wada socdeen buu Baxar ahaan ugalinayaa. Lol

Dhulka danta guud waa hanti qaran oo ay dowladdu leedahay. Hantidaa qaarkeed waxaa deggan dad danyar ah, qaar waa burbur...
19/04/2024

Dhulka danta guud waa hanti qaran oo ay dowladdu leedahay. Hantidaa qaarkeed waxaa deggan dad danyar ah, qaar waa burbursanyihiin, qaar kalana dowladda ayaa iibisay iyadoo aan u marin hab sharci ah.

Iibinta dhulka dowladda wuxuu leeyahay marin sharci ah oo loo maro oo ka bilaabata in la caddeeyo in wasaaraddii, hay’addii ama wakaaladdii lahayd ay ka maarantay, islamarkaana aysan jirin md kale oo dawladda ah oo u baahan, in wasaaradda maaliyadda ay qiimayso dhulka, ka dibna tartan furan ku iibgayso, lacagta lagu iibiyana ay koontada dawladda ku dhacdo, ka dibna hanti dhowrka uu ka saaro diiwanka hantida qaranka.

Inta la ogyahay qofkii ay Madaxtooyada rabto ayaa qiimihii la doono looga iibiyaa, wasaarada maaliyada ma qiimayso, mana iibiso lacagtana koontada dawladda kuma dhacdo, diiwanka hantida qarankana lagama saaro.

Dadka shacabka ee ka cabanaya in xoog looga saarayo xarunta Dab-demiska, iyadoo la sheegay in ay dawladda u baahan tahay, waxaa lagama maarmaan ah in loo xaaqijiyo in dan guud lagu qabanayo oo aan dad gaar ah laga iibinaynin sida dhacday dhulalka la deriska ee Hawlaha Guud iyo Xanaannada Xoolaha ee la siiyey, qaarna qiimo jaban looga iibiyey shakhsiyaad madaxtooyada gacansaar la leh.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in laga dhaadhiciyo waxay kaga duwan yihiin dadka iyaga la midka ah ee dhulkii dawladdu lahayd ee ay deganaayeen laga iibiyey iyo sababta ay dawladdu dhulalka kale ee danyarta iyaga la midka ah deggan yihiin looga saaraynin.

Waxaa iyaga laga yeelaynin in ay hanti dawladeed haystaan iyo in ay qabiil eed saaran oo dhiilo aan meesha oolin abuuraan, dad eed lahayna dusha ka saaraan ama ay madaxda dawladda aflagaadeeyaan.

Waxaan u soo jeedinayaa madaxda dawladda in ay la yimaadaan dhaqan lagu aamino, siyaasad mid ah oo ku aaddan dhulka dawladda ee ay dadka danyarta ahi deggan yihiin, marin sharci ah u maraan dhulka danta guud ee la iibinayo, wadahadal iyo waanwaanna lagu dhammeeyo ismaandhaafka ka tagaan Dab-demiska. Waxaan diyaar ula nahay in aan gacan ka siino arrinkaas.

Waxaa qoray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

18/04/2024

Part (3) basaskii yahuuda ee sheikha iska dhigayey

17/04/2024
17/04/2024

Part (2) basaskii yahuuda ee wadadka iska dhigayey

Dowlada Puntland ayaa sheegtay inaysan ka qayb galayn shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha So...
17/04/2024

Dowlada Puntland ayaa sheegtay inaysan ka qayb galayn shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh

“Cid kala qaybgaleyso koley oo Puntland ah ma jirto, illaa ay kusoo noqonayaan xeyndaabka dowladnimadii....
.....Dowladdii h**e Xasan Shiikh haddii dastuurkeedii meesha ka baxay, muddo xileedkeediina wuu ka baxay , mana aaminsanin inay dowlad jirto” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir

16/04/2024

Wax ka ogaw habka ay ushaqeyaan basasiinta dunida Part (1) Basaas yuhuudi carbeed

Wasiirka caafimaad Jarmalka Karl Lauterbach wuxuu doonayaa, kana shaqeynayaa sharci u roon caafimaadka wadnaha qofka bin...
16/04/2024

Wasiirka caafimaad Jarmalka Karl Lauterbach wuxuu doonayaa, kana shaqeynayaa sharci u roon caafimaadka wadnaha qofka bini aadamka ah, loogana hor tagayo xanuunada wadnaha ku dhaca ee halista nafeed leh.

Xanuunka wadnahana waa midka ugu badan ee Jarmalka ay u dhintaan.

Wasiirka wuxuu sheegay in la ogaaday in waxyaabo badan oo xanuunka wadnaha keeni kara, marka ugu h**eysaba laga sii hortagi karo.

Wuxuu doonayaa in dadka da' ahaan jira 25, 35 ama 50 ee Jarmalka dhan jooga warqado loo diro, lana dhaho iska baara cudurada qaar sida dhiig karka, macaanka & xataa heerka Cholesterin-ka iwm. Cudur walba ama xanuun walboo gadaal danbe xanuun wadnaha ah keeni kara ama sababi kara in qofka laga baaro. Qofkii xanuuno laga helana laga sii daaweeyo ama lala tacaalo marka h**e.

Wasiirka qorshe qurux badan oo aad loo soo dhaweeyay ayuu wadaa.

Adresse

Brake
K.S.A

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Dalhag Media erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Dalhag Media senden:

Videos

Teilen


Andere Medienfirmen in Brake

Alles Anzeigen