SIMA TV Somali interconnect Media Agency

SIMA TV Somali interconnect Media Agency SIMA TV
(2)

Shirka qiimaynta warbixinta waxqabadka  rubaca1aad ee S.m 2017 t.u ee dagmooyinka gobolka siti oo lagu kala qabtay Aysha...
11/07/2024

Shirka qiimaynta warbixinta waxqabadka rubaca1aad ee S.m 2017 t.u ee dagmooyinka gobolka siti oo lagu kala qabtay Ayshaca iyo Erer .

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo iska horimaadyo 05-tii Noofambar ka dhacay Durbeete, oo ka tirs...
11/07/2024

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo iska horimaadyo 05-tii Noofambar ka dhacay Durbeete, oo ka tirsan degaanka ee Galbeedka Gojjam, ayaa sababay dhimasho badan, oo ay ku jiraan dad rayid ah iyo maleeshiyaad, sida ay sheegeen dadka deegaanku.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Faano ay ka mid yihiin dadka lagu dilay goobo la sheegay in lagu tababarayay.

Gobolka Axmaarada ayaa waxaa ka taagan colaad u dhaxaysa ciidamada dawladda iyo maleeshiyada Fano, dagaalkaas oo sii xoogaystay ka dib markii bishii October ay soo saareen ciidamada difaaca qaranka Itoobiya iyo maamulka gobolka Axmaarada oo ballan qaaday “in ay ka fulinayaan gobalka hawlgal sharci fulin ah” ilaa “nabada si buuxda looga soo celinayo degaankaasi”.

Baahi loo qabo dib-u-celin qasab ah ma jirto, balse qofkii si sharci ah u lumiya xuquuqda magangaliyo ee iskiis u doonay...
11/07/2024

Baahi loo qabo dib-u-celin qasab ah ma jirto, balse qofkii si sharci ah u lumiya xuquuqda magangaliyo ee iskiis u doonaya in uu dib u soo gurya-noqdo mar kasta waa u furan tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa ku soo laabto.
Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya

Xigasho TVga qaranka

11/07/2024

Warkii SIMA 06 November 2024

11/06/2024

Shir Jaraa’iid oo ay si wada jir ah https://youtu.be/mcpXNVKQUp4?si=LN2Yx51fiM-3HdFf u qabteen Oday dhaqameedka labada Beelood ee Ciise iyo Samaron ayaa waxay baaq nabadeed uso jeediyeen Beelaha ku Dagaalamaaya Bari Somaliland
Waxayna fariin culus u direen Beelaha Awadal iyo Salal degaankoogu yahay

Maxay tahay fariintu?
Kaga bogo qaybta 1baad iyo qaybta 2baad ee shirka Jaraa’id

Donald Trump - Siyaasi aan la joojin karin— Donald Trump waxa uu hadda ka hor ku faanay “inuu waxa uu doono sameyn karo,...
11/06/2024

Donald Trump - Siyaasi aan la joojin karin


Donald Trump waxa uu hadda ka hor ku faanay “inuu waxa uu doono sameyn karo,” taasi oo qeexday ololihiisii koowaad ee doorashadii uu ku guuleystay 2016 – isaga oo sheegay inuu qof ku toogan karo Waddada 5th Avenue ee New York, haddana oo aanu lumineyn xitaa hal cod.

Sideed sano kadib, madaxweynaha soo socda ee 47-aad ee Mareykanka, wuxuu u muuqdaa nin aan la joojin karin, isaga oo ku guuleystay furayaasha Aqalka Cad Arbacada maanta ah.

Waa ninka ugu muranka badan dalka, isagoo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil, waxaana isaga oo 78 jir ah uu noqonayaa qofkii ugu da'da weyn ee qabta Xafiiska Oval Office taariikhda Mareykanka. Madaxweyne ku xigeenkiisa, oo 40 jir ah Sen. JD Vance oo laga soo doorto Ohio, ayaa noqon doona qofka xilkii ugu sarreeyey ka qabta Mareykanka ee ka tiirsan jiilka mileeniyaalka.

Taasina, waa inta aan lagu daran in Trump uu damaanad banaanka ugu joogo saddex dacwad dambiyeed iyo kuwa madani oo la xiriira khiyaameyn iyo xadgdub galmo.

Inkasta oo uu guuleystay, waxa uu haddana wajahayaa xukun maxkamadeed dhowr toddobaad gudahood ah, kuwaas oo la xiriira saddex daraasin oo dambiyo ah oo la xiriira ololihiisii madaxtinimada ee 2016-ka.

Sidaas oo ay tahayna, isaga oo ka adkaaday musharaxa Dimoqraadiga Kamala Harris, Trump waxa uu mar kale muujiyay inuu beenin karo dhammaan culeysyada siyaasadeed iyo sharci.

Dad badan ayaa u haystay in markan uusan awoodi doonin. Balse waxa uu Arbacada maanta ah noqday kaliya madaxweynihii labaad ee inta xafiiska laga tuuro, mar kale soo tartama ee guuleysta.

Trump oo ka dhashay qoys maal-qabeen ah, islamarkaana ku taajiray ganacsiga hantida ma guurtada ah, ayaa dunida ka yaabiyey isaga oo doorashadii 2016 si dirqi ah uga guuleystay Hillary Clinton.

Trump waa madaxweyne h**e kii ugu horreeyay ee ku soo noqda awoodda tan iyo markii Grover Cleveland uu dib u helay Aqalka Cad doorashadii 1892-kii. Sidoo kale, waa qofkii ugu h**eeyay ee lagu helo dambi culus ee haddana loo doorto madaxweyne

Ka hor inta uusan fuulin liftiga dahabka ah ee dabaqa Trump Tower ee New York si uu ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa Aqalka Cad ee 2016, Trump waxaa aad loogu yaqaanay inuu ahaa shaqsi ka soo muuqda taleefishinada.

Waxa uu ku caan baxay musalsal taleefishinka ka baxa oo la oran jiran "The Apprentice,” iyo inuu dhisi jiray saraha dadka dabaqadda sare iyo goobaha loo dalxiiska tago, halka xaaskiisa Melania Trump ay aheyd model.

Dib u doorashada Trump ayaa meesha ka saari karta dhammaan caqabadaha sharci ee uu wajahayo, isaga oo adeegsanaya awoodda xasaanadda madaxweyne.

Wuxuu sidoo kale cafin karaa maxaabiista kale, halka uu eryi karo dacwad-oogayaasha federaalka, isaga oo taageero ku helaya maxkamadda sare oo ay ku xooggan yihiin xulufadiisa.

Intii uu xafiiska joogay muddo xileedkiisii koowaad, Trump waxa uu beddelay dhaqan kasta oo siyaasadeed oo Mareykanka uu lahaa, oo ay ugu weyneyd inuu fogeeyey saaxiibada gaashaanbuurta NATO.

Suxufiyiinta ayuu ka dhigtay “cadowga koowaad ee dadweynaha” ereygaas oo markii dambe uu u beddelay “cadowga nagu dhex jira.”

Saaxada siyaasadda caalamka, Trump wuxuu weeraray dalal saaxiibo la ahaa Mareykanka, sida Kuuriyada Koonfureed iyo Jarmalka oo uu ku sheegay “inay jabsanayaan,” Mareykanka.

Taas beddelkeeda wuxuu amaanay hoggaamiyayaasha dalal cadowga Mareykanka ah, sida madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Wax ay ahaataba, dib u doorashada Trump ayaa xaqiijineysaa afar sano oo hubanti la’aan ah, sababtoo ah cidna ma saadaalin karta waxa uu Trump sameyn doono maalinka xiga.

Trump oo hogaaminaya natiijada horudhaca ah ee gobollada aadka loogu tartamayoMusharaxa madaxweyne ee doorashada Mareyka...
11/06/2024

Trump oo hogaaminaya natiijada horudhaca ah ee gobollada aadka loogu tartamayo
Musharaxa madaxweyne ee doorashada Mareykanka, Donald Trump, ayaa hogaaaminaya natiijada horudhaca ah ee inta badan gobollada aadka loogu tartamayo.

Waxaa uu natiijada ku hogaaminayaa North Carolina, Georgia, iyo Pennsylvania, halkaas oo codadka badankood la tiriyay.

Waxaa uu sidoo kale in yar hogaaminayaa gobolka Arizona iyo Wisconsin. Waxaa la tiriyay in ka badan kala bar codadka gobolladaas.

Dhanka kale, Kamala Harris ayaa iyaduna hogaamineysa gobolka Michigan, inkastoo lagu soo warramyo in la tiriyay boqolkiiba 32 codadkii la tiriyay.

Trump ayaa haatan heysta codad gaaraya 61,960, 281 halka Kamala ah heysato 57,409, 843.

Codadka weli waa la tirinayaa waxaana hadba is bedelaya tirada codadka labada dhinac.

Halkan kala soco natiijada doorashada.

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris iyo musharaxa ay isku hayaan ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku loo...
11/06/2024

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris iyo musharaxa ay isku hayaan ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku loolamaya madaxtinimada dalka Maraykanka.

Natiijooyinka horudhaca ah ee doorashooyinka madaxtinimo iyo tan congress-ka Mareykanka ayaa billaabmay inay soo baxaan, kaddib markii la xiray goobaha codbixinta gobollo badan oo ka tirsan Dalka Maraykanka , iyadoo ay jirto loolan xooggan oo u dhexeeya murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga Donald Trump iyo Dimuqraadiga Kamala Harris.

11/05/2024

Doorashooyin isku sidkan ee Somaliland https://youtu.be/dQQhlTT6k6o?si=W70yenvur-OXvPZU oo looga Dareeri doono gobollada Dalka 13 November Ayaa waxaa maalinnimadii Isniinta ahayd iskusoo bax wayn ay ku qabteen magaalada Zaylac Xisbiyada Wadanni iyo Kaah

11/04/2024

Warbixin ayaan idiinka Haynaa Cillad koronto oo ka jirtay guud ahaan ismaamulka Diridhaba mudo 2cisho ah

𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐔𝐔𝐒 𝐂𝐎𝐌𝐏𝐀𝐍𝐘 DIRE DAWAShirkadda Dauus waxay bulshada usoo bandhigaysaa fursado shaqo oo ka ba...
11/04/2024

𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐔𝐔𝐒 𝐂𝐎𝐌𝐏𝐀𝐍𝐘 DIRE DAWA
Shirkadda Dauus waxay bulshada usoo bandhigaysaa fursado shaqo oo ka banaan: -

𝐁𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚: Laba Boos
1. Darawal (Sales support)
2. Nutritionist

𝐆𝐨𝐨𝐛𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚: DIRE DAWA.
𝐍𝐨𝐨𝐜𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚: Shaqo Joogto Ah (Full-Time)
𝗗𝗲𝗮𝗱𝗹𝗶𝗻𝗲: Arji qabashadu waxay ku eegtahay August 20, 2024.

𝐒𝐇𝐔𝐑𝐔𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐋𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐁𝐀𝐀𝐇𝐀𝐍𝐘𝐀𝐇𝐀𝐘 (𝐁𝐀𝐒𝐈𝐂 𝐑𝐄𝐐𝐔𝐈𝐑𝐄𝐌𝐄𝐍𝐓):
Faahfaahinta Shuruudaha boos kasta Fadlan ka akhri warqadan hoose.

𝐒𝐈𝐃𝐀 𝐋𝐎𝐎 𝐂𝐎𝐃𝐒𝐀𝐍 𝐊𝐀𝐑𝐎:
Dhamaan daneeyayaasha jagadan waa inay soo buuxiyaan form-ka ku lifaaqan qoraalkan.
𝑳𝒊𝒏𝒌:
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSe6MG1KZVMqiS-27sXwr3EINZpboa7TwZ4RjYgSuMzXzSPNuw/viewform

Xigasho
VOSS TV

Sidee ku saxan tahay in 1 Milyan oo qof oo gaadiid wata Jidad laamiyo ah u dhisno oo 5 Milyan oo qof oo aan gaadiid wada...
11/03/2024

Sidee ku saxan tahay in 1 Milyan oo qof oo gaadiid wata Jidad laamiyo ah u dhisno oo 5 Milyan oo qof oo aan gaadiid wadan wadooyin ugu dhisi wayno.

Bulshada aan gaadiidka wadan xaq bay u lee yihiin in ay addeeg helaan waxaanan u hirgalinay wadooyinkii ay mari lahaayeen.

Horumarinta dib-u-dhiska Waddooyinka Magaalooyinka waxay ka dhigan tahay sidaas.

Waa inaan dhisno magaalooyin ku habboon dalkeena, Waa horumar ku salaysan magaalaynta.

Tani waxay ka bilaabmatay aaminsanaanta in muwaadiniintu ay mudan yihiin nolol ka wanaagsan midii h**e.

Horumarinta wadooyinku waa sidaas, waan u baahanahay horumarinta waddooyinka.

Tani waa si aan u hubinno Barwaaqadeena oo dhamaystiran.

Ra'ysal Wasaare Dr. Abiy Ahmed Ali.

11/02/2024

Elon Musk ayaa wada dhismaha Robot ka caawiya dumarka Ururka

Maxay kula tahay Daawade xidhiidhse nucee ah ayay yeelan donaan ilmaha Robotku uurka ku siday mudada 9ka bilood ah iyo hooyada ukunta leh ama aabahaa biyaha lagaso qaaday

11/02/2024

Warkii SIMA TV 01 November 2024

Address

Toronto, ON

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SIMA TV Somali interconnect Media Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SIMA TV Somali interconnect Media Agency:

Videos

Share


Other Media/News Companies in Toronto

Show All