Afdheer TV

Afdheer TV Afdheer TV (Afdheermedia.com) is an independent Somali site News owned by Afdheer Media Inc. Established 24 april 2020 by Ahmed Ali kilaas
(1)

Wali waxaa socdo kulamada wadatashiga ah ee uu Dr Abdullahi Ali la yeelanaayo Qeybaha kala duwan ee Bulshada reer jubbal...
09/04/2024

Wali waxaa socdo kulamada wadatashiga ah ee uu Dr Abdullahi Ali la yeelanaayo Qeybaha kala duwan ee Bulshada reer jubbaland ee ku dhaqan magalada Nairobi ee casimada dalka kenya.

Dr Abdullahi oo aqoonsan doorka muhiimka ah ee dhalinyarada reer jubbaland ay ka qaadan karaan isbadalka ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada rer jubbaland ee kunool magalada Nairobi. Isaga oo kala hadlay sidii ay qeyb oga noqon lahaayen isbadalka dhawaan la donaayo in uu jubbaland ka dhaco.

09/03/2024

Xal ma aha in aan dhaqan ka dhigano gacma hoorsi iyo ku tiirsanaanta macaawinada shisheeye.

Musharax madaxweyne jubbaland Dr Abdullahi Ali

DR ABDULLAHI ALI OO AJJENDIHIISA SIYASADDED EE JUBBALLAND KUSO BANDHIGI DOONO KICC 7 SEPTEMBER Musharax Madaxweyne Jubba...
09/02/2024

DR ABDULLAHI ALI OO AJJENDIHIISA SIYASADDED EE JUBBALLAND KUSO BANDHIGI DOONO KICC 7 SEPTEMBER

Musharax Madaxweyne Jubbaland Dr Abdullahi Ali ayaa sabtiga horteena ah dadka reer jubbaland ee ku dhaqan kenya ooguso bandhigi doono ajaendihiisa siyasaded ee uu ku donaayo hoggaminta maamulkas.

Xaflad uu heerkeedu sareeyo oo ka dhici doonto xarunta shirarka oogu weyn kenya ee KICC ayna kaso qeyb gali doonan siyaasiin, odayaal dhaqan,iyo shacabka reer jubbaland ee kenya ayuu dr Abdullahi kula hadli doona halkaas.

Dr Abdullahi oo ah musharaxa isbadal doonka ah ee wakhtigan oogu weyn jubbaland aya muddoyinkan dambe waday kulamo wada tashi ah oo uu la yeelanayay dadka reer jubbland ee ku dhaqan dibada iyo wadamada dariska ah, dr Ali ayaa marar badan sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa doorasho xor ah oo dadka reer jubbaland gaarsiiso isbadal horseedo nabad iyo barwaaqo.

Fadlan kaso qeyb gal barnaamijkan uu Dr Abdullahi Ali ku shaacin doono ajendihiisa siyasaded sido kale na uu kaga hadli doono xaaladaha dalka gaar ahaan jubbaland.

09/02/2024

Barasaabkii h**e ee Garissa Ali bunow Korane Ayaa shaaciyay in khilaafkii siyasadeed ee sanadihii u dambeyay u dhaxeyay isaga iyo Aden du’ale uu dhamaday,

Mr Ali ayaa sheegay in uu cafiyay walalkii du’aale hoygiisana uu ku booqan doono oo uu saben xiri doono. Wuxuuna qoyskiisa oogu baaqay in ay midobaan oo gacmaha is qabsadaan

Ali korane oo shan sano soo maamulay gobolka garissa ayaa hada markale u taagan jagadaas mudadii uu xilka hayay waxa lagu shegaa in uu ahaa nin go’aanka iyo talada oogu dambeyso uu isaga lahaa oo aan loo yeerinin

Barsaab h**e Ali korane ayaa hada hawlo wada tashi oo sadax cisha ah u Joogo magalada Garissa.

Sidee u aragta Heshiiska Ali bunow iyo aden du’aale?

09/01/2024

Dhiiri gelin dhab ah oo aan sawir keliya ahayn ayaan ubaahanahay.

Musharax madaxweyne Dr Abdullahi Ali

Todoba bishan  nairobi kenya ha moogaan
09/01/2024

Todoba bishan nairobi kenya ha moogaan

08/30/2024

Jubaland iyo dowladnimadeeda dadkii u shahiiday laguma tilmaami karo mayd uu nin watay.

Musharax madaxweyne jubbaland Dr Abdullahi Ali

08/30/2024

Taarikh nololeedka musharax madaxweyne jubbaland Dr Abdullahi Ali

08/29/2024

Dadka iyo ciidamada reer Jubaland 13 sano dhufays un kujiraan dan ma kalifin ee dacati ayaa keenay.

Musharax madaxweyne jubbaland Dr Abdullahi Ali

Dr Abdullahi Ali wuxuu hormuud u noqon donna isbadal ka dhaco maamul goboleedka jubballand oo tan iyo markii la aas aasa...
08/29/2024

Dr Abdullahi Ali wuxuu hormuud u noqon donna isbadal ka dhaco maamul goboleedka jubballand oo tan iyo markii la aas aasay uunan wax isbadal ah ka dhicin.

Dadka fallanqeya siyaasada somaalia ayaa inta badan sheegi jiray in jubbaland aysan helin mucarad isbadal doon ah oo uu dhab ka yahay in la helo isbadal siyaasaded,

Kadib ku dhawaaqistii musharaxnimo bilo kahor ee Dr Abdullahi Ali waxa la isla wada qiray in mucaaradka jubbaland uu xogaystay rajo badana laga qabo in mesha laga saaro maamulka aan 13ka sano kismaayo dhaafin.

Dr Abdullahi Ali ayaa sheegay in uu shacabka reer jubbaland ee isbadal doonka ah uu ku hoggamin doono isbadal horseedo nabad iyo barwaaaqo

Malinka sabtiga ah ee 7 september waxa xarunta oogu weyn ee shirarka magalada nairobi KICC ka dhicii doono xaflad ay isk...
08/28/2024

Malinka sabtiga ah ee 7 september waxa xarunta oogu weyn ee shirarka magalada nairobi KICC ka dhicii doono xaflad ay isku arki doonaan musharax madaxweyne jubbalan Dr Abdullahi Ali iyo taagerayaashiisa ku sugan dalkan kenya

Xaflada waxaa sido kale kaso qeyb gali doono madax xilal kala duwan hayo, siyaasiin iyo odayaal dhaqan .

Musharaxa ayaa halkas kula hadli doono dadweynaha reer jubbaland ee dalka kenya dr abdullahi wa musharaxa dhaq dhaqaaqa ogu badan wado tan iyo markii uu ku dhawaaqay in uu u taaganyhy kursigan.

Aden geedi waa ninka bishii ramadaan ee aan soo dhaafnay laayay hooyooyin sooman oo ilma xambaarsan  gudaha tuulada wayd...
08/28/2024

Aden geedi waa ninka bishii ramadaan ee aan soo dhaafnay laayay hooyooyin sooman oo ilma xambaarsan gudaha tuulada waydkaal,asagoo dhiig maati ku qabaystay ayuu hadana si cabsi laan ah gees ka gees ree afgaab kolba dhinac u dhax mari.

Musharax madaxweyne jubbaland Dr Abdullahi Ali ayaa kulan xogwareysi ah oogu tagay Ra’iisulwasarihii h**e ee dalka kenya...
08/26/2024

Musharax madaxweyne jubbaland Dr Abdullahi Ali ayaa kulan xogwareysi ah oogu tagay Ra’iisulwasarihii h**e ee dalka kenya ahna musharax gudomiyaha midowga Afrika Raila odinga

Kulanka waxa sido kale goob joog ahaa xoghayihii h**e ee urur goboledka IGAD Danjire mahbuub mo’alim

08/26/2024

In deeganada Jubaland la xoreeyo ma adko hadii la helo hogaan ay ka goantahay la dagaalanka Shabaab.

Musharax madaxweyne jubbaland Abdullahi Ali

08/26/2024

Bashka xaaji oo si fiican kabaha u la dulmaray gobolkii mugdiga ahaa iyo kooxda hakoolayda ah ee gobalka ka ragaadiyay qayrkiina ka reebay.

Ninkan idiin muuqdo waa ninkii bishii ramadaan ee aan soo dhaafnay santarka waydkaal ku llaayay dadka shacabka ah ,ilaa ...
08/26/2024

Ninkan idiin muuqdo waa ninkii bishii ramadaan ee aan soo dhaafnay santarka waydkaal ku llaayay dadka shacabka ah ,ilaa iyo hadda hal maalin lama hayo cid ku daba haysata xasuuqii uu gaystay oo ay la ogaayeen harkoolayda gobolka maamusha ee qayrkii ka reebay.

Warbaahinta gobolka maine gaar ahaan magalada Portland ayaa warbixiintan ka Qortay musharax madaxweyne jubbaland Dr Dr. ...
08/25/2024

Warbaahinta gobolka maine gaar ahaan magalada Portland ayaa warbixiintan ka Qortay musharax madaxweyne jubbaland Dr Dr. Abdullahi Ali for President, Jubaland State, Somalia.

Dr Abdullahi ayaa ah shaqsi wax weyn kuso kordhiyay dadka gobolka maine isago ka hawlgaliyay hay’ado iyo shirkado waweyn.

Dr ka waxa uu hada hormuud ka yahay isbadalka la donaayo in uu ka dhaco maamul goboleedka jubbaland somalia

FG akhriso warbixiinta oo aaad ka ogaan karto kartida dadaalka daacadnimada iyo halganka nololeed ee dr abdullahi Ali

Abdullahi Ali, the founder and CEO of Portland-based Gateway Community Services and a Somali refugee, is aiming to become the next president of his home state of Jubaland.

08/24/2024

Jubbaland 13sano kadib waxeey u bugtaa daweynta DrAbdulahi ali"

08/22/2024

W/Q siyaasi Abdi Ali Raage oo kamid ah musharixiinta isbadal doonka ah ee jubbaland

Bari waa maalintii u danbaysay ee Mudane Ahmed sanadkii sharici darada ahaa ee ku darsaday ku egtahay. Marka waxaa iswaydiin leh Jubaland oo aan maanta lahayn Baarlamaan iyo xukuumad sharici ah midna , shacabkeedana ku goobteen amni daro, gaajo baahsan iyo adeegayada asaasiga ah oo aan jirin, maxay noqon kartaa ikhyaarada shacabka u furan maanta?

Xildhibaan Mohammed jamac mursal Geele ayaa loo doortay gudomiyaha cussub ee Gudigga arrimaha dibada iyo iskaashiga caal...
08/22/2024

Xildhibaan Mohammed jamac mursal Geele ayaa loo doortay gudomiyaha cussub ee Gudigga arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha shacabka Somalia,

Hampalyo xildhibaan gelle

27kun ee ku xiran boggan afdheer TV waxaan ooga baahanahy fikir iyo talo  celin kusaabsan waxa aad nagu taageeri lahayd ...
08/21/2024

27kun ee ku xiran boggan afdheer TV waxaan ooga baahanahy fikir iyo talo celin kusaabsan waxa aad nagu taageeri lahayd ee ra'ayi ah si aan wax uun iskaga badalno?

08/18/2024

Jubbaland mudo badan oo ay kujirtay gacan jabhad iyo jaahilnimo wan aragnay halka ay joogto
Hada waxa kursiga oogu saareyo maamulkaas raadinaayo Aqonyahano kaso jeedo gobolkaas kuwas oo rabo in ay jahliga ka saaraan maamul goboledka Hodanka ah ee jubbaland.

Wasiirkii h**e ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar), ayaa ku dhawaa...
08/18/2024

Wasiirkii h**e ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar), ayaa ku dhawaaqay musharaxnimadiisa madaxweynenimo ee Jubaland.

Munaasabadda lagu shaaciyey arintan ayaa ka dhacday gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

W/Q Gudomiyaha degmada jarati Shafi Dhiire Labadan masaajid waxay ku kala yaalan santarka Geerare iyo santarka Booco,mid...
08/11/2024

W/Q Gudomiyaha degmada jarati Shafi Dhiire

Labadan masaajid waxay ku kala yaalan santarka Geerare iyo santarka Booco,midna wuu dhamaday midna waxaa ku socda dhismihii sida idiin muuqata.
Waxaa xaqiiq ah hadii ay bulshadu hesho fur-furnaan iyo xoriyad,inay gadhayso hormar diimeed iyo mid dhaqan dhaqaale labaduba.
Tusaale kooban:-
Degmada jarati gudaheeda isbadalkii kahor masaajida ku yaalay waxaa Dhagax/laban ahaa Hal masjid oo waliba adeegyo muhiim ah ka dhinnanayeen mantana waxaa si casriya udhisan 6 masjid oo waliba loo dhamaystiray adeegyada muhiimka ah,waxaana sidoo kale la hilmaami karin in qabalayal badanna ka socdaan dhismaha masaajid tayo leh kuwana qorsanyihiin.

 : RW Itoobiya ABiy Axmed oo ka hadlayay wada hadalkii uu layeeshay MW Turkiga ayaa cadeeyey in uu xalay u sheegay Erdog...
08/11/2024

: RW Itoobiya ABiy Axmed oo ka hadlayay wada hadalkii uu layeeshay MW Turkiga ayaa cadeeyey in uu xalay u sheegay Erdogan sida ay qasab u tahay in ay 120ka Malyan ee shacabkiisu u helaan Adeeg Badeed oo ay ku heshiiyaan labada dal ee Soomaaliya & Itoobiya.

Tani, waxay muujinaysaa in ay Itoobiya ku dhegan tahay erayga Marin Biyood "ACCES TO THE SEA"taas oo ay h**ey u diiday dawladda Soomaaliya, berrito ayay furmi doonaan wada hadaladu, waxaana la xaqiijinayaa in ay Soomaaliya aqbashay marin biyood, laakiin wali Faahfaahin cidna ma bixin.

08/10/2024

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo khadka taleefanka caawa kula hadlay Raysal wasaare ayaa Abiy ayaa xusay; in Itoobiya ay qaadayso tallaabooyin ay meesha kaga saarayso madmadowga ay gelisey midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya - Anadolu Agency.

Tani sow k**a dhigna in ay ka laabanayso Is-afgaradkii Badda ee ay la gashay Muuse Biixi?

08/08/2024

Hassan sheikh wuxuu yidhi dorasho qof iyo cod ah baan qaban, hadii ay durufo jiro awgood la qaban waayo wa iska sii jogayaa.

08/05/2024

Hufnaanta haayadaha dowlada iyo islaxisaabtanka waxay kor uqaadaa kalsoonida shacabka iyo adkaynta dowladnimada. Musharax madaxweyne jubbaland Abdullahi Ali

Iyadoo la darder galinaayo kulamada wadatashiga ah ee lala yelaanaayo qaba’ilada somaaliyeed ee d**o dawlad goboleedka j...
08/04/2024

Iyadoo la darder galinaayo kulamada wadatashiga ah ee lala yelaanaayo qaba’ilada somaaliyeed ee d**o dawlad goboleedka jubbaland Ayuu musharax madaxweyne Jubbaland Dr Abdullahi Ali waxaa uu kulan la qaatay Qaar kamid ah siyaasiinta iyo odayasha dhaqanka ee besha Gaaljecel.

Kulanka waxaa looga wada hadlay sidii uu isbedel nabad ah oo ay dadka reer jubbaland barwaaqo iyo nabad ku helaan ooga dhicii lahaa maamulka jubbaland,

Dr Abdullahi oo muddoyinkii dambe ku sugnaa magalada Nairobi ayaa wado kulamo isdaba joog ah oo uu la yelanaayo qeybaha kala duwan ee bulshada reer jubbaland.

Address

Edmonton, AB

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Afdheer TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Afdheer TV:

Videos

Share