29/01/2025
Warqad Furan oo ku Socota Reer Puntland!
HADDAADAN LA QABIN, WAX KA QABO!
Wiilka madow ee Mareykanka gaari ku wada waa ka welwel badan yahay kan cad ee asaaggiisa ah, maaha inuu ka dambi badan yahay, laakiin midabkiisa ayaa la dembiyeey!
Carabka Yurub deggan waa ka welwel badan yahay markey sheekadu noqoto munaafaqadda lagu hayo dadka Muslimka ah, iyadoo argigixisada mararka qaar la sheego inay tabantaabiyaan reer galbeedka qaar.
Soomaaliga deggan Kenya waa ka wel wel badan yahay qarax hadduu dhaco kuwa kale ee aan Soomaaliga aheyn. Ma ahan micnaheedu inuu isagu is qarxiyey, ama qof uu yaqaan wax qarxiyey!
Digil iyo Miriflaha deggan Puntland waa ka welwel badan yahiin Soomaalida kale ee deggan halkaas! Micnaheedu ma ahan inay dadka ka shabaabsan yihiin ee waa in lagu koolleeyey shabaabka oo Madax iyo Mijaba Soomaali badan go’aansadeen wixii xun-ba xaawaa leh ay sheekadu ahaato.
Taasi waxaa sii dhiiri gelisey, Digil iyo Miriflaha oo aan hadlin, aan caban, aan dacwoon, aan dulmiilayaasha yac iska dhihin. Wixii laga sheegaba waa la aamusaan, wixii lagu sameeyaba waa u samraan, Soomaalida kalena aamuska iyo samirkaba micno kale ayey u leeyihiin.
Dhowr tusaale aan soo qaato;
KOOFURTA GAALKACAYO:
Dhowr sanno ka hor ayaa Gaalkacayada koonfureed waxaa ka dhacay dil loo geystey nin deegaanka ah, waxaa loo xasuuqey ninkii la diley 11 qof oo Digil iyo Mirifle ah, kolkii dambena ninka ninka diley wuxuu noqdey nin isla reerka ninkanla diley ah!
LAASCAANOOD:
Laascaanood wixii ka dhacay waan xusuusanaa ee loo geystey Digil iyo Mirifle, Caruur, Haween uur leh, waayeel, ilmo dugsi iyo iskuulo ku maqan waalidkood laga raafey. Ka dib naxariis daradaas lagula kacay reer gaar ah, Dilka ma ka joogsadey Laascaanood?
MUQDISHO:
Laba jeer ayay cayaarta state-yada u yimaadeen, labada jeer-ba iyagoo aan guuleysan baa dhagxaan lala dhacay, inta maamul goboleedyo ah ee yimid qof ay xagtin gaartey ma jiro. Cayaar yahanadii KGS labada jeerba cusbitaal baa la dhigey!
Waxaan xusuusanaa Madax Puntland ah oo shabaabka ku sheegtey Wiilal Dacas wata oo Bay iyo Bakool ka yimid!
Kheyr Alle ha siiye Xildhibaan Sanyare, ex Guddoomiye arimahaas foosha xumaa wax buu ka qabtey, abaalna waa looga hayaa, waa ogeynoo wixii la soo qabtey oo la wada toogtey Cumar Maxamuud bay u badnaayeen!
Maalin waa tuugsadaan baa lagu colaadiyaa, ayadoo la joogo waddan macal Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo wasiiradu wada tuugsadaan (70+% waa la kabaa Soomaaliya).
Maalin aad baad u shaqeysataan baa lagu colaadiyaa! (Dhowr jeer baan aragney banaanbaxyo ka dhan ah)
Maalin Shabaab baad tihiin baa lagu colaadiyaa! (Shabaabna waan ognahay cidda keentey iyo cidda u talisa!)
Maalin Af Soomaali ku hadla! (hadde waa qof Afkiisa ku hadlaya, Soomaalina ah!)
Hadda Olole kale ayaan ujeedaa ka soo cusboonaadey Puntland oo la sahashanayo.
Anaga BURAASHADLEY dad la yiraahdo ayaa nala degganaa boqolaal sanno oo reer Punland asal ahaan ahaa, oo sharaf iyo maamuus waxaan aheyn aan naga sheegan, illaa iyo haddeerna deggan. Haddii la ihaaneysto iyaga ha la weydiiyo.
Dadka qaar waxay igu yiraahdeen, waa islaamo juhalo ah ee adiga ha ka hadlin.
Qof illaaheyba uu dembi u qorayoo qaangaar waa jaahil inaad ku soo gabagabeyso dembigiisa cidna ma qaadan karto.
Dembiyada yaryaroo loo dulqaataa waxay keenaan, dembiyo waaweyn.
Maalin waxaan na soo martey 500 ilaa 700 qof aan aaseyney xawaal wadareed, cid ka hadashaa ma jirto! (Madiinatul Mowd)!
Soomaalinimaan ka qaadaney oo cid rabtaa aan jirin maanta!
Dad walba oo la rabo in la dhibaateeyo daa’iradaa kow laga saaraa!
Si hadhow waxyeeladooda ay u fududaato!
JAAHILKAAGA ADIGUU JOOJIN KAA RABAA!
Haddaadan la qabin wax ka qabo!
Sapirka bathithy, soohingtawa dhumiye!
W/Q Abdi Adam Hoosow