21/10/2023
Ballanqaadkii Danbe
Eebe wuxuu kitaabka tawraad ku ogaysiiyay reer bani israa'iil inay kibri doonan laba jeer, oo ay dhulka kharribi doonaan. Sida oo kale waxa uu illahay u yaboohay laba balan qaad oo ku lamaan labadaas h**e. Waa in markasta oo ay kibraan, uu usoo diri doono awood burburisa kibirkooda.
وَقَضَيْنَا إِلَىَ بَنِي إِسْرَائِيلَ فِي الْكِتَابِ لَتُفْسِدُنّ فِي الأرْضِ مَرّتَيْنِ وَلَتَعْلُنّ عُلُوّاً كَبِيراً(4)
Waxaanu ku ogaysiinay reer bani israa'iil kitaabka, "waxaad qaribi doontaan dhulka laba jeer, waxaanad kibri doontaan kibir wayn."
Inkastoo taariikh badan lagu soo ururiyo xiliga ay dhacday kharibadii iyo kibir kii koowaad, ee ay reer banii israa'iil dhulka u gaysteen; iyo waliba cida ay ahayd awoodii uu alle usoo diray inay kibir jabiso, hadana waxaa la isku waafaqsan yahay inuu kibir kaasi dhacay soo dagistii quraanka ka hor
فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ أُولَىٰهُمَا بَعَثْنَا عَلَيْكُمْ عِبَادًا لَّنَآ أُوْلِى بَأْسٍۢ شَدِيدٍۢ فَجَاسُواْ خِلَٰلَ ٱلدِّيَارِ ۚ وَكَانَ وَعْدًا مَّفْعُولًا
Marka uu yimaado ballanqaadkii h**e, waxa aanu idiin soodiri adoomo aanu leenahay, oo shido badan. Waxay dhexqaadeen guryaha, waana ballan la hirgaliyay.
Taariikhyahanada qaarkood waxay sheegaan inay isla waynidii koowaad dhacaday markii ay yuhuudu dileen nabigii shacyaa Amsiyaa. Halka qaarkale ku sheegaan kolkii ay dileen nabiigii yaxye sakariye. Ciidanka kibirjabiyay waxaa lagu shegaa inay ahaayeen Baabiliyiin uu hogaaminayay Bukhtunasar.
Haddii aynu sooyaalka dib ugu noqono, inaga oo ka dhimbiil qaadanayna waxyiga. Ka dib markii uu ka badbaadiyay adoonsigii fircoon, illahay wuxuu u sheegay reer banii israa'iil inay dagaan dhulka barakaysan ee shaam. Way dageen, wakhti dheer ayayna ku nagaadeen.
Sidii lagu yaqaanay, markii yuhuudu salka dhigteen dhulka barakaysan, waxay bilaabeen qas iyo qooq. Waxa ku dhaboobay ogaysiiskii kowaad, ee ahaa in loosoo diri doono cid kibir jabisa. Jabkas ku dhacay waa ka keenay inay qurbaha ku kala filqaan,Kumanan sano.
Haddii markaas h**e ahaayeen isir kaliya, firxadkaas dabadii waxay dhexgaleen dhamaan isirada dunida.
Kadib waxay kusoo noqdeen falasdiin 1948,iyaga oo ah caynbacayn,habqan ah, oo kakala yimid caalamka.
وَقُلْنَا مِنۢ بَعْدِهِۦ لِبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ ٱسْكُنُواْ ٱلْأَرْضَ فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ ٱلْءَاخِرَةِ جِئْنَا بِكُمْ لَفِيفًا
Waxaanu ku nidhi (fircoon) dabadii reer banii israa'iil dhulka daga. Marka uu yimaado ballanqaadka danbe, waxaanu idin keeni doonnaa idinkoo caynbacayn ah.
Ciidan shido badan, oo awood leh hadii uu illahay u soo diray reer banii israa'iil markii koowaad, oo kala firdhiyay; maanta oo uu dhaboobo ballanqaadkii danbe, waa kuwan soo rogaal celiyay , iyaga oo ugu tayo sareeya cudud dad,abaabul ciidan,cilmi aqooneed iyo cuud lacageedba.
ثُمَّ رَدَدْنَا لَكُمُ ٱلْكَرَّةَ عَلَيْهِمْ وَأَمْدَدْنَٰكُم بِأَمْوَٰلٍۢ وَبَنِينَ وَجَعَلْنَٰكُمْ أَكْثَرَ نَفِيرًا
Kadib waxaanu idiin soo celinay gacan sarayntii,waxaan idinku xoojinay hanti iyo wiilal. Waxaanan idinka dhignay kuwa ugu abaabulan.
Markale ayuu la hadlayaa eebe reer banii israa'iil markiii ay dhulka qabsadeen..wuxu lee yahay maanta idinkaa dhulkii barakaysnaa gacanta ku haya,oo dadkii kale ka awood batay..hadaba hadii aad awoodaa dhanka wanaagsan u adeegsataan,waa mid idiin fiican,laakiin hadii aad ka.miistaan halkii aad ka miisi jirteen ee fasahaadka, annaguna waxaanu ka miisaynaa dhankii aanu idiin ballanqaadnay ee qabjabinta.
إِنْ أَحْسَنتُمْ أَحْسَنتُمْ لِأَنفُسِكُمْ ۖ وَإِنْ أَسَأْتُمْ فَلَهَا ۚ فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ ٱلْءَاخِرَةِ لِيَسُۥٓـُٔواْ وُجُوهَكُمْ وَلِيَدْخُلُواْ ٱلْمَسْجِدَ كَمَا دَخَلُوهُ أَوَّلَ مَرَّةٍۢ وَلِيُتَبِّرُواْ مَا عَلَوْاْ تَتْبِيرً
Haddii aad wanaagsamaysaan, waxaad u wanaaagsanateen naftiina, hadii aad xumaansanaysaana, iyada ayay dulsaarantahay, hadaba marka uu yimaado ballanqaadka dambe (waxaanu idiinsoori doonaa cid) si ay wajiyadiina u murugggeliyaan; iyo si ay u galaan masaajidka sidii ay u galeen markii h**e; iyo si ay u burburiyaan wixii ay ka adkaadaan burburin.
Sidaas ayay reer banii israa'iil, oo maanta kibir iyo isla wayni cirka maraya, u sugayaan ciidankii eebe ee cagta marin lahaa. Taasna oo ay ku mutaysteen dulmiga, xumaanta iyo gardarada ay ifka la joogaan.
Ciidankan afka dhulka u daraya qabka yuhuuda,wuxuu eebe iftiimiyay inay yihiin kuwii horay u galay masaajidka barakaysan ee al-aqsa. Kuwaasina waxay ahaayeen muslimiintii uu hogaaminayay cumar binu khadaab.
Waa duul madax'adage, firxadkoodu hadii uu isasoo ababulo, markale ayuu eebe ugu quusgooyay,
"Anaguna waanu soo naqonaynaa."
وَإِنْ عُدتُّمْ عُدْنَا ۘ وَجَعَلْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَافِرِينَ حَصِيرًا﴾
Haddii aad soo noqotaan, annaguna waanu soo noqon. Waxaanan uga dhignay jahannama gaalada jeel.
Odoros iyo ballan kasta oo aadame sameeyaa waa kuwo dhantaalan, balse hilaadinta iyo wacadka illahay markasta waa kuwo dhamaystiran,oo dhab ah
إِنَّ هَٰذَا ٱلْقُرْءَانَ يَهْدِى لِلَّتِى هِىَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ ٱلْمُؤْمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا
Quraankani wuxuu ku hanuuninayaa (dadka) ta ugu toosan. Waxaanu ugu bishaaraynayaa rumeeyayeesha, camalka wanaagsan samaynaya, inay leeyihiin ajar wayn.
Sidaa darteed, markuu soo afmeermay sheekada reer banii israa'iil iyo ogaysiiska uu h**e usiiyay, wuxuu eebe kusoo xidhayaa qisada,sugis uu quluubta muslimiinta ku sugayo xaqnimada quraanka. Waa si ay u rumaystaan saadasha guusha illahay, oo aanay uga niyad jabin calanwalaynta baaddilka, ee maalmaha kooban ah.
وَبِٱلْحَقِّ أَنزَلْنَٰهُ وَبِٱلْحَقِّ نَزَلَ ۗ وَمَآ أَرْسَلْنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرًا وَنَذِيرًا
Xaq ayaanu kusoo dajinnay, ,xaq ayaanu kuugu soo dagay; waxaanan kusoo dirnay kaliya inaa tahay bishaareye iyo dige.
video creator