17/02/2025
GUDDIGA FULINTA EE URURKA YOOL BULSHO OO YEESHAY KULAN KU SAABSAN DARDAR-GELINTA HAWLAHA BAAXADDA LEH EE HORYAALLA URURKA
Muqdisho, Febraayo 17, 2025; Guddoomiyaha Ururka Yool Bulsho, mudane Zakariye Mohamed Dal Dhise , oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka, Bushro Faraax Rooble, ayaa shir-guddoomiyay kulan ku saabsan dardar-gelinta hawlaha mudnaanta u leh ururka, iyada oo ay ka soo qaybgaleen Xubnaha Guddiga Fulinta ee Ururka.
Kulanka oo ku qabsoomay Hano Community Library , shalay oo ay taariikhdu ahayd Febraayo 16, 2025, waxaa si qoto-dheer looga dooday qodobbadan muhiimka ah ee hoos ku xusan:
Qorsheynta Istiraatiijiyadda Ururka – Waxaa la isku raacay jihada fog iyo midda dhow ee ururka, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinkiisa horumarineed.
Afurinta & Ciidsiinta Dadka Danta Yarta – Ururku wuxuu u diyaar garoobayaa bisha barakeysan ee Ramadan, isagoo qorsheynaya in uu caawiyo dadka danyarta ah xilliga afurka iyo farxadda ciidaha.
Ilaalinta Deegaanka – Waxaa la adkeeyay doorka ururka ee wacyigelinta iyo dadaallada lagu xoojinayo badbaadinta deegaanka.
Horumarinta Waxbarashada – Xubnaha ururka iyo bulshada waxaa loo diyaarinayaa siminaaro iyo tababaro lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha.
Xoojinta Is-dhexgalka Bulshada – Waxaa xoog la saaray wacyigelinta iyo dadaallada lagu dhisayo bulsho isku xiran oo ka qaybqaadata horumarka iyo samafalka.
Ururka Yool Bulsho, waxa uu had iyo jeerba u taagan yahay u adeegidda bulshada, isaga oo dhiirrigelinaya horumarka iyo wadajirka. Waxa uu ku baaqayaa in dhammaan xubnaha iyo taageereyaasha si hagar la’aan ah uga qeyb qaataan dadaallada horumarineed, si loo dhiso bulsho midaysan oo horumarsan.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdulhak Abdulkadir Ahmed,
Xafiiska Xoghayaha Guud, ahna Madaxa Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha ee Ururka Yool Bulsho.
Tel: +252 61 4486865
E-mail:[email protected]