Qorahay Web TV

Qorahay Web TV Qorahay Web TV Qorahay Media
(125)

TACSI inaa lilaahi wa inaa ilahay raajucun rabi naxariistii jano haka waraabiyee waxaa hada ku geeriyooday magaalada jij...
17/01/2024

TACSI

inaa lilaahi wa inaa ilahay raajucun rabi naxariistii jano haka waraabiyee waxaa hada ku geeriyooday magaalada jijiga ugaas Abdi dhagay ugaas Muxumed ugaas Abdi bile

Waxaan ilahay oogu barayayaa in uu janatul firdawsa oogu bishaareeyo
Ehelkii iyo qarabadii uu ka baxayna ilahay Samir iyo imaan saadiq ah ha inaga siiyo

Nuur Ilkacase
Q.M

WAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya ayaa hawada kacelisay diyaarada Itoobiya Airline oo lambarkeedu yahay 8372 kuna socot...
17/01/2024

WAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya ayaa hawada kacelisay diyaarada Itoobiya Airline oo lambarkeedu yahay 8372 kuna socotay Hargeysa. Diyaarada waxaa la socday wafdi sare oo Itoobiyaan ah oo shir kulahaa Hargeysa.

Xigasho

Xubnaha JWXO ee Magaalada imay bari oo shir isoogu yimid Waxaa galabta shir isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xorayn...
11/01/2024

Xubnaha JWXO ee Magaalada imay bari oo shir isoogu yimid

Waxaa galabta shir isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee dagmada imay bari shirka oo uu furay gudoomiyaha xubnaha JWXO ee dagmada imay bari
Ka dib waxaa warbixin waafiya siiyay Xubnahii ka soo qayb galay shirka gudoomiyaha dhalinyarada OYSU faraciisa gobalka shabelle ahna hogaanka warfaafinta xubnaha JWXO ee gobalka shabelle mudane Nuur abdi (Nuur Ilkacase)
iyo hogaanka arimaha bulshada xubnaha JWXO ee gobalka mudane najiib Maxamuud
Oo hawlo shaqo u jooga dagmada imay bari ee gobalka shabelle

Shirka oo lagaga arin sanayay sidii kor loogu qaadi lahaa hawlaha shaqo loona dar dar galin lahaa hawlaha horutabinta leh
Ayaa ku soo dhamaaday jawi qurux badan

Nuur Ilkacase
Q.M

Dhalinyarada OYSU faraciisa tulada dacadhuur iyo gudoomiyaha dhalinyarada OYSU faraciisa gobalka shabelle iyo gudoomiyah...
08/01/2024

Dhalinyarada OYSU faraciisa tulada dacadhuur iyo gudoomiyaha dhalinyarada OYSU faraciisa gobalka shabelle iyo gudoomiyaha dhalinyarada dagmada imay bari oo kulan dar daaran ah isoogu yimid

Waxaa kulan dar daaran ah isoogu yimid Ururka dhalinyarada iyo midawga ardayda somalida Ogadenia OYSU faraciisa tuulada dacadhuur
Kulankan oo ay goob joog ahaayeen gudoomiyaha dhalinyarada OYSU faraciisa gobalka shabelle mudane Nuur Ilkacase iyo gudoomiyaha dhalinyarada dagmada imay bari mudane Maxamuud Macalin Muxumed oo hawl gal shaqo u joogay tuulada

Kulan kan oo ahaa abaabulka iyo xoojinta hawlaha shaqo ee ururka dhalinyarada ayaa waxaa qudbad taariikhi ah u jeediyay dhalinyarada gudoomiyaha dhalinyarada gobalka shabelle isagoo ooga mahad celiyay shaqa wanaagooda
kulana dardaarmay in ay ka soo dhalaalan shaqooyinka horu tabinta leh

Nuur Ilkacase
Q.M

Siciid Abdulahi dani ayaa markale ku guulaystay madaxtinimada dawlada Goboleedka Puntland Xilka Allah kugu asturo mw Sic...
08/01/2024

Siciid Abdulahi dani ayaa markale ku guulaystay madaxtinimada dawlada Goboleedka Puntland
Xilka Allah kugu asturo mw

Siciid dani ayaa taariikh cusub ka dhigay puntland oo waxa uu badalay siyaasaddii puntland iyo middii tirsiga beelaha ( Taraha ).

Nuur Ilkacase
Q.M

Xubnaha JWXO ee Magaalada godey oo shir isoogu yimid Waxaa shir isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia ...
08/01/2024

Xubnaha JWXO ee Magaalada godey oo shir isoogu yimid

Waxaa shir isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee Magaalada godey ee Xarunta Gobolka shabelle shirkan oo oogu horayn lagu furay wacdi diini ah
Ayaa waxaa furay gudoomiye ku xigeenka xubnaha JWXO gobalka shabelle mudane abdi amaan soyaan

ka dib waxaa warbixin waafiya siiyay gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle mudane maxmed garaad sahal gudoomiyaha ayaa xubnaha faray in ay u diyaar garoobaan Shirwaynaha Ururka ee la filayo in uu dhawaan ka qabsoomo gudaha dalka Ogadenia
Dhanka kale masuulintii ka hadashay shirka ayaa xubnaha faray in ay shaqadooda ka soo baxaan

Shirka ayaa ku soo dhamaaday si guul ah

Nuur Ilkacase
Q.M

Waftigii JWXO ee gobalka shabelle oo si wayn loogu soo dhaweeyay dagmada imay bari Waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay dag...
28/12/2023

Waftigii JWXO ee gobalka shabelle oo si wayn loogu soo dhaweeyay dagmada imay bari

Waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay dagmada imay bari ee gobalka shabelle Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Shabeele ee u hogaaminayay hogaanka ilaalinta degaanka iyo ba.ada mudane xasan Muxumed qani (xasan JWXO)
Iyo gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle mudane maxmed garaad sahal

Waftiga oo banaanka kore ee magaalada kula hadalay ayaa warbixin waafiya siiyay Oogana mahad celiyay sida quruxda badan ee ay isoogu soo baxeen

Wafiga ayaa loo hoyiyay hoygii loo diyaariyay

Q.M
Wariye Nuur Ilkacase

Waftigii JWXO ee gobalka shabelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Tuulada qaruud Waxaa Si diiran loogu soo dhaweeyay Tu...
27/12/2023

Waftigii JWXO ee gobalka shabelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Tuulada qaruud

Waxaa Si diiran loogu soo dhaweeyay Tuulada qaruud ee Dagmada Abaaqaraw waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeenia JWXO ee Gobolka Shabeele ee uu Hogaaminayay Hogaanka ilaalinta Degaanka iyo ba.ada iyo Gudoomiyaha Xubnaha JWXO ee Gobolka Shabeele Mudane Maxamed Garaad Sahal

Waftiga oo banaanka kore ee Tulada kula hadlay Dad.waynihii isu soo baxay ayaa ooga mahad-celiyey soo dhawaynta iyo sida Hagar laanta ah ee ay halganka u garab taagan yihiin

Dhanka kale wax garadka Tuulada ayaa balan qaaday in ay sii xoojiyaan garab istaaga Halganka ay JWXO hormuudka u tahay

Nuur Ilkacase
Q.M

Xubnaha JWXO ee dagmada Abaaqaraw oo kulmay Waxaa kulan isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee ...
24/12/2023

Xubnaha JWXO ee dagmada Abaaqaraw oo kulmay

Waxaa kulan isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee dagmada Abaaqaraw ee gobalka shabelle shirkan oo lagu furay wacdi diini ah Kadib waxaa warbixin wafiya siiyay Xubnihii ka soo qayb galay gudoomiyaha xubnaha JWXO ee magaalada Abaaqaraw
Gudoomiyaha ayaa xubnaha faray in loo diyaar garoobo hawlaha shaqo ee inagu soo aadan

Shirka ayaa ku soo dhamaaday guul

Nuur Ilkacase
Q.M

Dalada naftood hurayaashii qalabka siday iyo gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle oo kulan yeeshay Waxaa kulan k...
17/12/2023

Dalada naftood hurayaashii qalabka siday iyo gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle oo kulan yeeshay

Waxaa kulan ku yeeshay xafiiska jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee Magaalada godey ee Xarunta Gobolka shabelle dalada naftood hurayaashii qalabka siday iyo gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle mudane maxmed garaad sahal iyo ku xigeenkiisa mudane abdi amaan maxamed soyaan
Kulankan oo lagag arin sanayay sidii loo dar dar galin lahaa hawlaha shaqo ee gobalka
ayaa ogu horeen waxaa warbixin siiyay naftood hurayaashii ka soo qayb galay gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle
Ka dib waxaa la isla gorfeeyay sidii loo dhaqaajin lahaa hawlaha horutabinta leh

Kulankan oo muda socday ayaa ku soo idlaaday si guul ah

Nuur Ilkacase
Q.M

16/12/2023

Daawo Muuqaal koban gudoomiyaha ururka ONLF mundane Abdurahman Sheekh Mahdi oo Port Elizabeth siweyn loogu soo dhaweeyay,

Nuur Ilkacase
Q.M

Tacsi Inaa lilaahi wa inaa ilahay raajucun rabi naxariistii jano haka waraabiyee waxaa saaka magaalada Nairobi ee dalka ...
15/12/2023

Tacsi

Inaa lilaahi wa inaa ilahay raajucun rabi naxariistii jano haka waraabiyee waxaa saaka magaalada Nairobi ee dalka kiinya ku geeriyooday Macalin shaafi qorane (shaafi goobe) rabi janatul firdawsa ha oogu bishaareeyo

Macalin shaafi wuxu ahaa shaqsigii oogu horeeyay ee degaanka somalida ka bilaabay luuqada English ayna ka aflaxeen inta aqoonyahanka degaanka somalida wuxuu mugdiga ka saaray kumanaan da.yar ah

Waxaan tacsi tiiraan leh u daraynaa ehlkii iyo qarabadii uu kabaxay Macalin shaafi qorane ilahay samir iyo imaan saadiq ah ha inaga siiyo

Nuur Ilkacase
Q.M

Xubnaha JWXO ee Magaalada godey ee Xarunta Gobolka shabelle Kulan.koodii isbuuclaha ahaa isoogu yimid Waxaa galabta kula...
14/12/2023

Xubnaha JWXO ee Magaalada godey ee Xarunta Gobolka shabelle Kulan.koodii isbuuclaha ahaa isoogu yimid

Waxaa galabta kulan.koodii isbuuclaha ahaa isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee Magaalada godey ee Xarunta Gobolka shabelle Kulankan oo isbuuciiba mar loo qabto xubnaha lagulana socodsiiyo waaqica taagan ayaa waxaa lagu furay wacdi diini ah
Ka dib waxaa warbixin guda balaadhan siiyay ja soo qayb golayaasha gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle mudane maxmed garaad sahal gudoomiyaha ayaa xubnaha faray in shaqada la sii xoojiyo
Dhabka kale waxaa qudbad muhiim ah ka soo jeediyay goobta xoghayaha ururka dhalinyarada ee dalka qadar mudane abshir

Dhanka kale masuulintii ka hadashay shirka ayaa xubnaha ooga mahad celiyay shaqa wanaagooda iyagoo kula dardaarmay in shaqada la sii laba jibaaro

Shirka ayaa ku soo idlaaday jawi qurux badan

Nuur Ilkacase
Q.M

14/12/2023

ITOOBIYA RUXAY U ARAGTO DANTEEDA INUU FULINAYO AYAY INOO SOO MAGACAWDAA. WAANA DHAQANKA ITOOBIYA.

Ururka dhalinyarada OYSU faraciisa magaalada godey ee xarunta gobalka shabelle oo galabta dalxiis u aaday baadiyaha kore...
10/12/2023

Ururka dhalinyarada OYSU faraciisa magaalada godey ee xarunta gobalka shabelle oo galabta dalxiis u aaday baadiyaha kore ee magaalada

Waxaa galabta dalxiis u aaday baadiyaha kore ee magaalada godey ururka dhalinyarada iyo midawga ardayda somalida Ogadenia OYSU faraciisa magaalada godey ee xarunta gobalka shabelle
Dhalinyarada OYSU faraciisa magaalada godey ayaa wada abaabul ka dhan ah gobalka shabelle iyagoo ka faa.idaysanaya quruxda dhulka iyo barwaaqada ilahay inagu manaystay
Gudoomiyaha dhalinyarada OYSU faraciisa gobalka shabelle oo dhalinyarada banaanka kula hadalay ayaa yidhi halganku waa macaan marka uu qalbigaagu nadiif yahay wax walba oo aad u dhaqaaqdana sidii aad jeclayd ayuu u qabsoomayaa ee halganka daacad aan u noqono
Oogu danbayn dalxiiska ayaa dhalinyarada oogu soo dhamaaday si guul ah

Nuur Ilkacase
Q.M

Gudoomiyaha JWXO oo Shir muhiima kaga qayb galay Dalka South Africa .Waxaa ka bilaabmay dalka SouthAfrica kulan balaadha...
05/12/2023

Gudoomiyaha JWXO oo Shir muhiima kaga qayb galay Dalka South Africa .

Waxaa ka bilaabmay dalka SouthAfrica kulan balaadhan oo wax la iskaga waydiinayo Wadahadalka iyo dibu heshiisiinta la damacsanyahay in mudooyinkan laga qabto Itoobiya taasoo qoowmiyadaha kala duwan iyo saamilayda siyaasadu iskugu imaan doonaan .

Ugu horayn kulanka waxaa laga hadlay sidii uu dhacay heshiiskii CODESa ee Koofurta africka Madowga iyo Cadaanka u dhaxeeyay iyo noocyada doorashioyunka addunnka ee qof iyo cod iyo xisbigii la doorto has oo dhiso dawlada First past the post FPO or Proportional representation. Hogaamiyayaasha saamilayda siyaasada ee madasha goob jooga ahaa ayaana doodo ka yeelan doona noocyada xalku ku jiro iyo wadada xalka ah .

Ururka dhalinyarada OYSU faraciisa magaalada godey ee xarunta gobalka shabelle oo shiray Waxaa galabta shir isoogu yimid...
03/12/2023

Ururka dhalinyarada OYSU faraciisa magaalada godey ee xarunta gobalka shabelle oo shiray

Waxaa galabta shir isoogu yimid Ururka dhalinyarada iyo midawga ardayda Ogadenia OYSU faraciisa magaalada godey ee xarunta gobalka Shirkan oo 15 kii bariba mar loo qabto lagulana socodsiiyo waaqica taagan ayaa ka qabsoomay xafiiska JWXO ee magaalada godey
Shirka oo ogu horayn lagu furay wacdi diini ah
Ayaa Waxaa warbixin heerkooda ah siiyay Xubnihii ka soo qayb galay gudoomiyaha dhalinyarada gobalka shabelle mudane Nuur abdi husen (Nuur Ilkacase) Isagoo faray dhalinyarada in shaqada horu tabinta leh ay dar dar galiyaan una diyaar garoobaan hawlaha ku soo foodle gobalka

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen abwaanin iyo kooxda fanka ee birjeex shabelle ayaa wacdara ka dhigay kulanka
Dhanka kale masuulintii ka hadashay shirka ayaa kula dardaarmay dhalinyarada in ay shaqada sii dar dar galin

Shirka oo muda socday ayaa ku soo idlaaday jawi qurux badan

Nuur Ilkacase
Q.M

Xubnaha JWXO ee dagmada dhanaan oo shir isoogu yimid Waxaa galabta shir si heer sara ah loo soo agaasimay isoogu yimid X...
02/12/2023

Xubnaha JWXO ee dagmada dhanaan oo shir isoogu yimid

Waxaa galabta shir si heer sara ah loo soo agaasimay isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO
Shirka oo ogu horeeyn lagu furay wacdi diini ah
Ka dib waxaa xubnaha warbixin waafiya siiyay gudoomiyaha xubnaha JWXO ee dagmada dhanaan ee gobalka shabelle mudane bashiir badar gudoomiyaha ayaa xubnaha faray in loo diyaar garoobo shaqooyinka horu tabinta leh
Dhanka kale masuulintii ka hadashay shirka ayaa xubnaha kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan shaqada ururka

Shirka ayaa ayaa ku soo dhamaaday guul

Nuur Ilkacase
Q.M

Xubnaha JWXO ee Magaalada imay bari oo kulan koodii isbuuclaha ahaa isoogu yimid Waxaa galabta kulan.koodii isbuuclaha a...
01/12/2023

Xubnaha JWXO ee Magaalada imay bari oo kulan koodii isbuuclaha ahaa isoogu yimid

Waxaa galabta kulan.koodii isbuuclaha ahaa isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee dagmada imay bari ee gobalka shabelle kulankan oo isbuuciiba mar loo qabto xubnaha lagulana socodsiiyo waaqica taagan ayaa ka qabsoomay xafiiska JWXO ee dagmada imay bari shirka oo uu furay gudoomiye ku xigeenka xubnaha JWXO mudane maxamed qabdiid
Ka dib waxaa warbixin siiyay Xubnihii ka soo qayb galay shirka gudoomiyaha xubnaha JWXO ee dagmada imay bari mudane maxamed budul kulana dardaarmay in ay shaqadooda ka soo baxaan

Shirka oo muda socday ayaa ku soo dhamaaday guul

Nuur Ilkacase
Q.M

Xubnaha JWXO ee Magaalada godey oo shirkoodii isbuuclaha ahaa isoogu yimid Waxaa shirkoodii isbuuclaha ahaa isoogu yimid...
30/11/2023

Xubnaha JWXO ee Magaalada godey oo shirkoodii isbuuclaha ahaa isoogu yimid

Waxaa shirkoodii isbuuclaha ahaa isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee Magaalada godey ee Xarunta Gobolka shabelle
Shirkan oo uu furay gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle mudane maxmed garaad sahal ayaa warbixin dhanacyo badan tabanaysa siiyay Xubnihii ka soo qayb galay shirka

Shirakan ayaa waxaa ka soo qayb galay n h**e dhabuuke cismaan ceelaabe oo ka mid ah golaha dhexe ee JWXO ayaa xubnaha siiyay warbixin ku filan masuulka ayaa xubnaha faray in loo diyaar garoobo marxaladaha kala guurka ah
Dhanka kale masuulintii ka hadashay shirka ayaa xubnaha ooga mahad celiyay shaqa wanaagooda

Shirka oo muda socday ayaa ku soo dhamaaday guul

Nuur Ilkacase
Q.M

30/11/2023

N h**e dhabuuke cismaan ceelaabe oo ka mid ahaa hogaamintii oogu saraysay ciidanka jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO kana mid aha gudiga fulinta ee JWXO oo ka hadlay arimo maal maham social media ha dhax socday

Nuur Ilkacase
Q.M

Shir si aan caadi ahayn loo soo agaasimay oobka qab somay magaalada qabri dahar ee xarunta gobalka qorahay Waxaa shalay ...
29/11/2023

Shir si aan caadi ahayn loo soo agaasimay oobka qab somay magaalada qabri dahar ee xarunta gobalka qorahay

Waxaa shalay galab ka qabsoomay xafiiska jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee Magaalada qabri dahar shir aan cadi ahayn shirkan oo uu furay gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka qorahay haybadle halgamaa Maxamuud Jigre ayaa warbixin waafiya siiyay dad waynihii ka soo qayb galay
Dhanka kale masuulin gole dhaxe iyo gudi fulin isoogu jira oo uu ogu horeeyo hogaanka arimaha jaaliyaadka iyo hogaanka xidhiidhka dad.waynaha iyo hogaanka cilmi baadhista iyo ku xigeenkiisa ayaa madasha ka soo jeediyay qudbado taariikhi ah

Shirkan oo mud socday ayaa ku soo idlaaday jawi qurux badan

Nuur Ilkacase
Q.M

26/11/2023

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐖𝐗𝐎 𝐎𝐨 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲.

Ayaa iftiimiyay xalada badan oo ka dahsanaa bulshada

Maamullada Gobollada Iyo Masuuliyiinta Sare ee JWXO Oo Jigjiga Ku Kulmay.Waxaa shalay subax xafiiska Guddoomiyaha JWXO D...
25/11/2023

Maamullada Gobollada Iyo Masuuliyiinta Sare ee JWXO Oo Jigjiga Ku Kulmay.

Waxaa shalay subax xafiiska Guddoomiyaha JWXO Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maaddeey) ka furmay kulan u dhexeeyay masuuliinta ururka, agaasimeyaasha hoggaamada, maamullada gobollada iyo xubno ka socday ururrada bulshada JWXO.

Kulankan oo uu shirguddoomiyay Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maaddeey), kuna weheliyeen: Xaaji Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirrane) Guddoomiye Ku-xigeenka JWXO iyo hoggaanka jaaliyadaha Ogaadeenya Xaaji Maxamed Yuusuf ayaa ahaa kulan lagu soo bandhigay go'aamadii ka soo baxay kal-fadhigii golaha dhexe iyo warbixinno kale oo ay masuuliyiintu la wadaageen hawl-deenka.

Sidoo kale, kulanka ayaa warbixinno kala duwan looga dhegaystay guddoomiyeyaasha gobollada iyo kuwa ururrada bulshada oo goobtan ku soo gudbiyay heerarka shaqo ee goobaha ay ka hawl galaan iyo caqabadaha ku xeeran, waxayna masuuliinta ururka la wadaageen talooyin muhiim ah oo geeddi-socodka shaqo ee ururka.

Dhinaca kale, xafiiska hoggaanka Arrimaha Gudaha iyo ururrada bulshada ayaa kulan dardaaran iyo talo-isweydaarsi ah kula yeeshay weftiyada gobollada kulan casho-sharaf iyo duco ahaa uu soo diyaariyay Jenneraal Cabdullaahi Mukhtaar Xuseen oo ka qabsoomay hoteelka Istanbuul.

Is-araggan dhex masuuliinta ururka iyo kuwa gobollada iyo ururrada bulshada ayaa la filayaa in uu wax badan ku soo kordhin doono kor-u-qaadidda hawlaha ururka iyo habsabi u socodka shaqadaba.

Q.M

DEG DEG : DOWLADA Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay wadamada kumidoobay suuqa Wadamada Bariga Afrika. Waxayn...
24/11/2023

DEG DEG : DOWLADA Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay wadamada kumidoobay suuqa Wadamada Bariga Afrika. Waxayna Soomaaliya noqonaysaa Dalkii sideed ee bahwadaagta East Africa Community.

Nuur Ilkacase
Q.M

HORDHAC.Waxaa Si hab-samile uga Furmay Xafiiska Gudoomiyaha JWXO ee Dul Qabow Shir lo' qabtay Gudoomiyayaasha Gobolada, ...
24/11/2023

HORDHAC.

Waxaa Si hab-samile uga Furmay Xafiiska Gudoomiyaha JWXO ee Dul Qabow Shir lo' qabtay Gudoomiyayaasha Gobolada, Urur Bulsheedyada,Agaasimayayaasha,iyo kaadirka JWXO.
Shirkan oo u shir gudoominayo Gudoomiyaha ururka Dr.Abdirahman Sheikh Maxamed mahdi (maadeey) Ayaa daaran sidan

1 So bandhigidii go'aamadii ka so baxay kal'fadhigii Golaha dhexe.
2 U diyaar garowga Shirwaynaha Urur ka
3 sidii logu diyaar garoobi'lahaa ka qayb-galka Shirka Qoomiyadaha Ethiopia ee Dalka ka dhici doona.

Iyo warbixinada Hogaamada ururka.

Shirku wali wu socdaa.

Q.M

21/11/2023

Gudoomiye ku xigeenka xubnaha JWXO ee gobalka shabelle N h**e Abdi Aman Mahamed soyaan oo fariin adag u diray shaqsiyaadka meelaha ka had hadlaya ee ururka onlf horay ooga mid ahaan jiray
Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan la ilaawi doonin khayaanadii aad halganka la dhax so socoteen lalana xisaabtami doona

Nuur Ilkacase
Q.M

Wabiga shabelle ayaa ku soo fatahay Dagmada imay bari iyo tuulooyinka hoos yimaada ee wabiga jiinkiisa ah Fatahaadan aya...
19/11/2023

Wabiga shabelle ayaa ku soo fatahay Dagmada imay bari iyo tuulooyinka hoos yimaada ee wabiga jiinkiisa ah
Fatahaadan ayaa ka dhalatay ka dib markii ay roobab waa wayn ka da.een aaga magaalada imay bari
Fatahaadan oo dhalisay khasaare hantiyeed sida ay goob joogayaal noo xaqiijiyeen wilina wax gurmad ahi ma gaarin guud ahaan dagmada iyo tuulooyinkaba
Gurmadka dhanka dawlada ah ayay dadweynuhuna dhaliilo kala duwan u soo jeedinayeen
Dawlada degaanka ayaa horay u sheegtay in ay doomo u dirtay dagmooyinka wabiga jiinkiisa ah sida dagmada imay bari oo maanta wax caruurtii lagu qaado lawaayay
Dagmada Abaaqaraw
Dagmada beer caano
Dagmada qalaafe

Ilahay ha u gar gaaro umada dhibataysan

Nuur Ilkacase
Q.M

Ururka dhalinyarada OYSU faraciisa magaalada godey oo galabta kulan isoogu yimid Waxaa galabta kulan isoogu yimid Ururka...
19/11/2023

Ururka dhalinyarada OYSU faraciisa magaalada godey oo galabta kulan isoogu yimid

Waxaa galabta kulan isoogu yimid Ururka dhalinyarada iyo midawga ardayda Ogadenia OYSU faraciisa magaalada godey ee xarunta gobalka shabelle shirkan ayaa waxaa furay gudoomiye ku xigeenka dhalinyarada gobalka shabelle Mudane Najiib Ibrahim
Ka dib waxaa warbixin waafiya siiyay dhalinyarada gudoomiyaha dhalinyarada gobalka Mudane Nuur Abdi husen gudoomiyaha ayaa dhalinyarada faray in ay u diyaar garoobaan shaqooyinka horu tabinta leh

Dhanka kale masuulintii ka hadashay shirka ayaa dhalinyarada ooga mahad celiyay abaabulka ay ayaamahan wadaan

Shirka ayaa ku soo dhamaaday guul

Nuur Ilkacase
Q.M

Xubnaha JWXO ee Magaalada wardher ee xarunta Doollo oo howl maalmeedkii ururka ku jira.
19/11/2023

Xubnaha JWXO ee Magaalada wardher ee xarunta Doollo oo howl maalmeedkii ururka ku jira.

Address

29 Esperanto Way Westminster
Perth, WA
6061

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qorahay Web TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qorahay Web TV:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Perth

Show All

You may also like