07/01/2026
Waa kuwee afarta siyaasi ee ay h**ey usoo bahdileen Farmaajo iyo Xasan ee bari xafladda qabsanaya?
Midowga Haybad Qaran waxaa ku midoobay siyaasiyiin kan ugu weyn uu soo noqday ra‘iisul Wasaare, laakiin marka dib loo aqriyo qaarkood sooyaalkooda siyaasadeed waxaa ku jira xubno si cad bulshada ugu sheegay iney ku fashilmeen masuuliyadihii loo wakiishay, waxaana aan ka xusi karnaa.:
1-Cabdikariin Xuseen Guuleed: dowladdii h**e ee madaxweyne Xasan ayuu kasoo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, kadib qaraxyo is xig xigay oo lagu qaaday xarumaha dowladda oo uu ku jiray xarunta golaha shacabka, warbaahinta ayuu hor yimid si cad ayuuna u sheegay inuu fashilmay kadibna wuu is casilay.
2-Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waa raiisul wasaaraha kaliya ee taariikhda Soomaaliya ku guul dareystay inuu iska dhex difaaco golaha shacabka, isagoo xitaa loo diiday inuu hadlo ayaa xilka laga tuuray, wixii intaasi ka dambeeyeyna guri joog ayuu iska ahaa wax saameyn siyaasadeed ahna malaheyn tan iyo xiligaas.
3-Thaabit Cabdi: waxaa u diiwaan gashan inuu yahay guddoomiye gobol oo fariin laga soo diray Caabud waaq lagu eryey, iyada oo waqtigaas dad badan ay u arkayeen inuu kamid ahaa sadexda xubnood ee ugu awoodda badnaa dowladdii madaxweyne Farmaajo.
4-Fahad Yaasiin: inkastoo shaqsi ahaan lagu xasuusto saameyntii uu ku lahaa dowladdii Farmaajo, doorkiisii xiriirka Qatar iyo tallaabooyinkiisii NISA intii uu joogay, hadana waxaa ku tiran oo mar loo diiwaan galiyey in isagoo inta aan kor kusoo sheegay heystay uu ku guul dareystay helidda kursi xildhibaan.
Waxaa xusid mudan in hadda uu meesha ka baxay doorkiisii Qatar oo xiriirkaas waxaa hadda la xaqiijiyey inuu kala wareegay madaxweyne Farmaajo.
Hadaba mala dhihi karaa madaxweyne Xasan wali fursad weyn ayuu heystaa mar haddii ragga doonaya kursigiisa ay ragaan qeyb ka yihiin?